Home Wararka Maanta Baarlamanka Somaliland oo ka horyimid heshiiska uu Muuse Biixi badda ku siiyey...

Baarlamanka Somaliland oo ka horyimid heshiiska uu Muuse Biixi badda ku siiyey Itoobiya

0

Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Somaliland ayaa maanta sheegay inay kasoo horjeedaan is-afgaradkii bishii hore magaalada Addis Ababa ay ku gaareen Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo qeyb ka mid ah badda uu Muuse Biixi ugu saxiixay Itoobiya.

Xildhibaanadaan ku jira baarlamaanka Somaliland oo laga soo doortay gobollada Awdal iyo Salal ee Somaliland ayaa qabtay shir jaraa’id oo go’aankooda ay ku soo gudbiyeen, iyagoo si cad uga hor yimid qorshaha Muuse Biixi uu ku iibinayo badda.

Xildhibaan Nuur Cumar Riyaale oo ka tirsan golaha Guurtida Somaliland ayaa akhriyey bayaankii ka soo baxay xildhibaanada, isagoo hadalkiisa ku bilaabay in go’aankaan ay qaateen markii ay qiimeeyeen rabitaanka dadka reer Somaliland iyo heshiiska oo madmadow badani uu ku jiro.

War-saxaafadeedka xildhibaanada ayaa u dhignaa sidaan:

1- Waxaan ka soo horjeednaa dhaqan gelinta heshiiskii xukuumadda Somaliland ay la gashay Itoobiya 1-dii Janaayo, mana ogolaa doono heshiis kasta oo la xiriira arrinta badda.

2- Waxaan u aragnaa is-afgaradkaas mid aan sharci aheyn oo ka soo horjeeda danta, diinta iyo dastuurkii ay umadda Somaliland ku heshiisay.

3- Waxaan xukuumadda Somaliland ugu baaqeynaa inay ka noqoto is afgaradkaas, isla markaana ay talo-wadaag ka yeelato arrimaha masuiriga ah ee saameynaya mustaqbalka muwaadiniinta Somaliland.

4- Waxaan u cadeyneynaa ururrada Jaamacadda Carabta, IGAD, Iskaashiga Islaamka, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey, in shacabka gobollada Awdal iyo Salel aysan ogoleyn in Itoobiya laga siiyo dhul, bad iyo marin toona, guud ahaan gayiga Somaliland.

Afartaas qodob ayaa ugu muhiimsanaa bayaankii qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Somaliland ay maanta uga soo horjeesteen heshiiskii qar iska tuurnimada ahaa ee Muuse Biixi uu badda ku siiyey Itoobiya.
Ad
Previous articleWararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay degmada Aadan Yabaal
Next articlePuntland oo eedeyn u jeedisay Madaxweyne Xasan kana hor timid Go,aanka Xasan ee Dastuurka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here