Home puntland Dhageyso Xildhibaan Cabdulaahi Shiikh oo ka jawaabay Hadal kasoo yeeray Xildhibaan Axmed...

Dhageyso Xildhibaan Cabdulaahi Shiikh oo ka jawaabay Hadal kasoo yeeray Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi..

1
SHARE

Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Cismaaciil oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka jawaabay hadal uu dhawaan sheegay Xildhiban Axmed Macalin Fiqi ee ahaa in xeer ilaaliyaha Qaranka uu yahay nin soo galooti ah oo an u dhalan Soomaali.

Kadib weerarkii Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishaakuur Warsame ayaa Xildhibaan Fiqi isaga oo hadlayay waxa uu sheegay in Axmed Cali Daahir uusan aheyn muwaadin Soomaaliyeed balse uu yahay Muwaadin Itoobiyan ah oo u bahan in baaritaan lagu sameeyo.

Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Cismaaciil ayaa sheegay in xiligaan lakala soocayo muwaadiniinta Soomaaliya,isla markaana Axmed Cali Daahir lagu tilmamay in uusan Soomaali aheyn taasina ay tahay wax cadaalada ka fog.

Waxa uu sheegay in Garsoorka dalka uu xushmad leeyahay isla markaana iyada oo Siyaasad kale la eegayo aan loo gefin Madaxda Garsoorka dalka,uguna baaqay in arrinkaas  dib looga laabto.

Halkan Hoose ka Dhageyso Codka Xildhibaanka..

1 COMMENT

  1. Xildhimaan Fiqi waa Inuu joogiyaa hadalada macnodara ah oo marmarka qaarkood u isticmaalayo qabiilka waanuu u dhagmaa sidii xildhimaan soomiliyeed waana Inuu joogiyaa hadalada daciifka ah oo ku salaysan qabiilka waa Inuu gartaa inuu yahay xildhimaan soomaaliyeed oo matala qof kasta Soomaali ah mucaarad waxaa lagu noqdaa cadaalada waana Inuu joogiyaa halada umadda soomaaliyeed kalagaynaaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here