Home Wararka Maanta Gudoomiyaha Golaha shacabka oo si xasaasi ah ug hadlay amniga Muqdisho

Gudoomiyaha Golaha shacabka oo si xasaasi ah ug hadlay amniga Muqdisho

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe) oo ka qeyb galay kulan wadareedka golaha Wasiirada ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sida Xukuumadda diyaar ugu tahay in lagula xisaabtamo Shaqooyinkooda.

Guddoomiyaha oo hadal ka jeedinayay shirka waxaa uu sheegay in isla xisaabtanka Golaha Shacabka aysan noqon doonin mid xukuumada lagu xumeeynayaao, balse uu yahay waajibaad saran, isaga oo sheegay in Xukuumadda ay tahay mid isku kalsoon.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shaabka ayaa sheegay in Xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha laga sugayo inay noqoto mid ka fog musuq maasuq oo si ufan u Sahqeeyso, isla markaana ujeedkeedu uu noqdo mid  Ummadd Soomaaliyeed ka saarta dhibaatadda heysata.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa uu sheegay in dalka Soomaaliyeed uu aad uga liito dhanka Amniga oo ay ugu dambeeysay weerarkii dadka badan ku dhinteen ee hotelka Xayaat, isaga oo Xukuumadda ugu baaqay inay guri guri u baarto Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ad
Previous articleRa’isul Wasaare Xamze oo Muqdisho ka furay Shirka Banbaxa Golaha Wasiiradda (Sawiro)
Next articleRag hubeysan oo weerar ku qaaday xubna ka tirsan guddiga Doorashada kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here