Home Wararka Maanta Dawladda Soomaaliya oo soo dhoweysay go’aanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay Soo...

Dawladda Soomaaliya oo soo dhoweysay go’aanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay Soo Saartay

0

Dawladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysay go’aanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ku ansixiyey qaraarka oggolaanaya La-Dagaalanka Islaam Nacaybka, iyo magacaabista ergay gaar ah oo Xoghayaha Guud ee Qaramad Midoobay u qaabilsan inuu ka shaqeeyo La-dagaalanka Islaam Nacaybka.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arirmaha Dibedda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay mid muhiim ah oo hoosta ka xarriiqaysa in dunida si wadajir ah ula dagaalanto nacaybka iyo cadaawadda ka dhanka ah bulshooyinka Islaamka.

Soomaaliya ayaa sheegtay inay garawsan tahay doorka muhiimka ah ee ergaygaasi uu ka qaadan doono ilaalinta xuquuqda iyo sharafta mujtamaca Muslimiinta ah iyo horumarinta mabaadii’da sinnaanka iyo caddaaladda ee fagaarayaasha caalamka.

Golaha Guud ee Qaramada Midobay ayaa Jimcihii u codeeyey go’aankaas oo ay oggolaadeen 115 waddan oo ka mid ah Qaramada Midoobay halka ay ka aamuseen 44 xubnood, iyadoo aysan jirin cid kaoso horjeesatay.

Golaha Guud ee Qaramada Midiibay ayaa dhalleeceeyey hurinta faquuqa, cadaawadda ama gacan ka hadal ka dhan ah Muslimiinta sida laga arkay dhacdooyin meel looga dhacay laguna gubay kitraabka Qur’aanka kariimka ah, weerarrada masaajidda, nacaybka iyo ficillo kale.

Maalinta 15-ka Maarso ee qaraarkan la ansixiyey ayaa caalamka loo aqoonsaday maalinta Caalamiga ah ee La-Dagaalanka Islaam Nacaybka, waxaana lagu beegay maalintii nin dablay ahaa oo islaamka neceb uu weeraray masaajid ku yaalla magaalada Christchurch ee New Zealand sannadkii 2019-kii oo uu ku dilay 51 qof oo cibaadaysanayey.

Ad
Previous articleMaxakamadda ICC ma soo xiri kartaa Putin oo mar kale ku guuleystay doorashadii dhacday?
Next articleMuxuu Xasan shiikh kala Hadlay Dhigisa Dalka Eriteriya Isaias Afwerki?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here