Home Wararka Maanta Cumar Macalin Nuur iyo masuuliyiin kale oo Xatooyo Xoolo Dadawayne lagu eedeeyey...

Cumar Macalin Nuur iyo masuuliyiin kale oo Xatooyo Xoolo Dadawayne lagu eedeeyey oo Markale Maxkamada Gobalka Banaadir kasoo Muuqday

0

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa markii labaad maanta la horgeeyahy 4 ma’suul oo ka tirsan Ha’yadda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Afartan nin ayaa waxaa loo haystaa lunsashada malaayiin dollar, kadib markii ay xeer ilaalinta qaranka kusoo eedeysay Musuq-maasuq, gaar ahaan xatooyo xoolo dadweyne.

Doodda maanta ayaa ka duwaneyd kuwii hore, waxaana xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka uu maxkamadda horgeeyay caddeymaha eedda lagu soo jeediyay afarta mas’uul oo kala ah:-

Eedeysanaha koowaad Cabdullaahi Maxamuud Cosoble oo ah agaasimaha waaxda socdaalka ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inuu lunsaday lacag dhan ($560,500) shan boqol iyo lixdan kun iyo shan boqol oo dollar.

Cumar Macalin Nuur oo isna ah agaasime ku xigeenka waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa xeer ilaalinta qaranka kusoo eedeysay inuu lunsaday ku dhawaad 7 milyan oo dollar, taas oo ahayd hanti dadweyne oo uu mas’uul ka ahaa.

Eedeysanaha 3-aad Saabir Xasan oo ah madaxa hubinta Viso kordhinta ee waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa isaguna loo haystaa lunsashada dakhli dowladeed oo gaarayay ($482, 730) Afar boqol siddeetan iyo labo kun, todobo boqol iyo soddon dollar, taas oo ay maxkamaddu sheegtay inuu u maray warqado been abuur ah.

Ninka afaraad waa Aadan Maxamed Cabdi oo isna ah maamulaha qaadashada Visaha ee waaxda Viso kordhinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaa lagu soo eedeeyay inuu qaatay lacag dhan ($88,640) siddeedan iyo siddeed kun iyo lix boqol iyo afartan dollar, isag aoo isticmaalayay warqado lacag qabasho iyo shaabado been abuur ah, sida lagu sheegay eedda.

Maxkamadeynta raggan ayaa weli sii socota, waxaana la filayaa in kama dambeyn ay go’aan rasmi ah soo saarto Maxkamadda Gobolka oo qaadeysa dacwaddan xasaasiga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan ku guda jirto dagaal ka dhan ah musuqa, kaas oo loo soo xiray mas’uuliyiin dhowr ah, halka kuwa kalena ay ka baxsadeen dalka.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Duqaymo Culus oo Lagu Qaaday Alshabaab ku Shirsanaa Degaan ka tirsan Galmudug
Next articleHadal hayn caro leh oo ka dhalatay wiil 7 jir ah oo eeddadii aabbihii qabay ay ku dishay koronto iyo mindi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here