Home Wararka Somaliya Galmudug Maxaad ka taqaanaa Labada Kursi ee maanta lagu doortay Dhuusamareeb ?

Maxaad ka taqaanaa Labada Kursi ee maanta lagu doortay Dhuusamareeb ?

0

Doorashadii ugu horreysay ee aqalka hoose ee deegaannada dowlad goboleedka Galmudug, ayaa lagusoo gabagabeeyay magaalada Dhuusomareeb iyadoo la doortay labadii kursi ee ugu horreeyay.

Mahad Cabdalle Cawad oo muddo dheer kamid ahaa barlamaanka Soomaaliya, ayaa mar kale ku guulaystay kursiga aqalka hoose, kadib markii uu helay 84 cod, halka Shukri Cali Faarax oo la tartamaysay aysan wax cod ah helin. Sidoo kale 17 cod ayaa xumaaday.

Kursiga labaad ee doorashada aqalka hoose ee Galmudug waxaa ku guulaystay Yuusuf Geelle Ugaas oo helay 82 cod, halka Cabdulqaadir Cabdullaahi oo la tartamayay uu helay 4 cod. 15 codna way xumdeen.

Maamulka Galmudug ayaa noqday maamulkii ugu horreeyay ee bilaaba doorashada aqalka hoose, marka loo eego dowlad goboleedyada kale ee dalka, waxaana dhinaca kale aad usii kordhaya saameynta ay doorashada aqalka hoose ku leeyihiin maamulada.

Dhammaan xildhibaanada hadda soo baxay ma jiro xildhibaan tartan adag u galay inuu kusoo baxo kursiga, waxayna u badan yihiin xildhibaanno dib ugusoo laabtay kuraastoodii.

Cabashada laga cabanayo boobka kuraasta ayaa sidoo kale kasoo yeeraysa magaalooyinka ay ka socoto diiwaan galinta doorashada, waxaana dowaladda lagu eedeeyay in ay faro galin ku hayso.

Ad
Previous articleLaba Kursi oo ka mid noqonaya Golaha Shacabka oo Biri lagu dooranaya Dhuusamareeb
Next articleAgaasimaha SNTV oo dhaawaciisu cuslaaday Loona qaaday Wadanka Turkiga {Sawiro}

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here