Home Wararka Maanta Biden oo sheegay in uu doonayo in uu soo afjaro ka qeyb-galka...

Biden oo sheegay in uu doonayo in uu soo afjaro ka qeyb-galka dalalka Gabon, Niger, Uganda iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe

0

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu doonayo in uu soo afjaro ka qeyb-galka dalalka Gabon, Niger, Uganda iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ee barnaamijka ganacsiga ee kobaca iyo fursadda Afrika (AGOA).

Biden waxa uu sheegay in uu tillaabada u qaadayo “xadgudubyo waaweyn” caalamku aqoonsan yahay oo ka dhan ah xuquuqul insaanka oo ka dhacay Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe iyo Uganda.

Waxa kale oo uu tusaale u soo qaatay in Niger iyo Gabon ay ku guul-daraysteen in ay dhidibada u taagaan ama ay horumar joogto ah ka sameeyaan ilaalinta nidaamka siyaasadda iyo ku dhaqanka sharciga.

“Inkasta oo ay si weyn u wada shaqaynayeen Maraykanka iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Gabon, Niger, iyo Uganda, haddana dalalkani waxay ku guul-daraysteen inay wax ka qabtaan walaaca Maraykanku ka qabo u hoggaansami la’aantooda shuruudaha u qalma AGOA,” ayuu Biden ku yiri warqad uu u diray afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka.

Biden waxa uu sheegay in uu damacsan yahay in uu joojiyo ka qeyb-galka dalalkan ee dalalka ka faa’iidaysanaya heshiiskan ee ka hooseeya saxaraha Afrika sida uu dhigayo sharciga kobaca iyo fursadaha Afrika, laga bilaabo January 1, 2024

Ad
Previous articleFalcelin xooggan oo ka dhalatay hadalkii Cali Jeyte ee U Saaxafada U jeediyay
Next articleFiqi oo Sheegay inay puntland Qayb ka ahayn Heshiisyada Mudo korarsiga Loo Samaaynaayo maamul goboleedyada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here