Home Wararka Maanta Ciidamada Dowlada oo Alshabaab ka Dilay Ku Dhawaad 20 askari

Ciidamada Dowlada oo Alshabaab ka Dilay Ku Dhawaad 20 askari

0

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheesan oo ay fuliyeen ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamka lagu dilay xubno badan oo katirsan Al Shabaab.

Howlgalkan ay fuliyeen ciidamada NISA iyo kuwa shisheeye ayey dowladdu sheegtay in uu ka dhacay deegaanka Sabiid ee gobalka Shabeellaha Hoose, halkaas oo saakay xubno katirsan Al Shabaab weerar ku qaadeen xero milatariga Soomaaliya ku lahaayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xubno katirsan Al Shabaab lagu beegsaday gaari nuuca loo yaqaano Dhaynada oo ay wateen iyo Geedo hoostooda, waxa ayna dowladda sheegtay in howlgalkan lagu dilay 18-xubnood oo katirsanaa Al Shabaab.

Saraakiil katirsan ciidanka dowladda ayaa sheegay in la dilay dhammaan Shabaabkii saarnaa gaarigii la beegsaday, sidoo kale xubno kale lagu dilay geedo hoostood oo ay xilligaasi ku sugnaayeen.

Warkan kasoo baxay dowladda ayaa kusoo aadaya xilli xubno katirsan Al Shabaab saakay weerar xooggan ku qaadeen xero ciidanka dowladda ku lahaayeen deegaanka Sabiib ee gobolka Sh/Hoose, waxaana halkaasi saakay ka dhacay dagaal khasaaro kala duwan dhaliyay.

Ad
Previous articleQaramada Midoobay oo Dhawaan Xaafiisyo Ka Furan Doona Galmudug iyo Heshiis Maantay Lagu kala Saxiixday Dhuusamareeb(Sawiro)
Next articleWAR DEG DEG AH: Qarax Culus oo Ka Dhacay Muqdisho iyo Faahfaahin kasoo Baxaysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here