Home Wararka Maanta Wasaarada Amniga Dowlada Soomaaliya Oo Dib Fasaxday in la Furo Terminalka...

Wasaarada Amniga Dowlada Soomaaliya Oo Dib Fasaxday in la Furo Terminalka MOVECON oo Dhawaan la xiray

0

Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa goordhoweyd soo saartay warqad ay dib ugu fasaxayso oo lagu furayo Terminal-ka MOVECON ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Amarka dib u furista terminalkaan ayaa waxaa lagu sheegay inuu yimid kadib markii laga sal gaaray inta badan sababihii loo xiray markii hore.

“Waxaan ku wargelinaynaa dhamaan hay’adaha sare ku xusan in dib loo furay Terminal-ka MOVECON si buuxda laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 12/4/2022,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaarada Amniga oo uu ku saxiixna Wasiir Cabdullaahi Nuur.

Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraalka in dib u furista terminalkaas ay soo dadajisay kadib markii ay xukuumaddu tix-gelisay adeega muhiimka ah ee lagu fuliyo marinkaas.

Dhawaan unbey aheyd markii ay Wasaaradda ku wargelisay ayna fartay Hey’adda socdaalka iyo Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde in si ku meel gaar ah loo xiray dhammaan hawlahii terminal-ka MOVECON ilaa iyo amar dambe laga bilaabo 10/04/2022.

Amarka markii hore si kumeel gaar ah loogu xiray terminal-ka ayaa yimid kadib markii Ururka Midowga Afrika uu ku gacan sayray go’aankii uu ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble dalka uga eryey wakiilka gaarka ah ee ururka u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira.

Xukuumadda ayaa sidan oo kale dhowr jeer xirtay haddana dib u fasaxday terminal-ka gaarka ah MOVECON ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, oo ay adeegsadaan hay’adaha Qaramada Midoobay, ciidamada AMSIOM iyo safaaradaha reer Galbeedka.

Ad
Previous articleMaxa La Filaayay inuu Maantay Farmaajo Ka Hadlo Balse uu ka Gaabsada(akhriso)
Next articleRooble oo ka hadlay sanadguurada ciidamada xilli uusan ka qeybgalin munaasabadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here