Home Wararka Maanta Xulka Qaranka Eritrea oo gabi ahaan isaga baxay ka qeyb galka tartanka...

Xulka Qaranka Eritrea oo gabi ahaan isaga baxay ka qeyb galka tartanka Isreeb-reebka koobka adduunka

0

Koobka adduunka sannadka 2026 ee ka dhacaya dalalka Mareykanka, Maksiko & Kanada ayaa dal walbo oo caalamka ku yaalla hardan adag ugu jiraa sidii uu ugu soo bixi lahaa ka qeyb galka koobkaasi oo afartii sanaba mar la qabto.

Xulka Qaranka Eritrea ayaa gabi ahaan isaga baxay ka qeyb galka tartanka Isreeb-reebka koobka adduunka ee sannadka 2026-ka, kaddib markii laga cabsaday in ciyaartoyda xulkaasi mataleysa ay baxsadaan oo aysan dalka dib ugu soo laaban.

Ciyaartoyda mataleysa Qaranka Eritrea ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay markii safar dibadda ah u baxayaan lagu xiri jiray damaanad, waxaana inta badan laga qaadi jiray dumkumiintiyada qaaliga ah, iyada oo sidoo kale shuruudo kale lagu xiri jiray.

Dalka Eritrea ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo dhinaca nolosha ah ayaa ciyaartoy marar badan tartamo ku mataleysay aysan dalka dib ugu soo laaban, ciyaartoydaasi qaarkood ayaaba iska dhiibay dalal kuyaalla qaarada Afrika si ay nolol uga helaan.

Ku dhowaad 60 cayaaryahan oo u dhashay Eritrea ayaa dalkooda ka baxsaday tan iyo sannadkii 2009-kii , waxa ayna ciyaartoydan markoodii hore u baxeen in tartamo ka dhacaya Afrika iyo meelo kale dalkooda ku matelaan, balse dib uma soo laaban.

Ad
Previous articlePuntland oo Villa Soomaaliya ku eedaysay inay Burburinayso Maamulka Puntland
Next articleCabdisalaan Cali Axmed oo dilay Cabdulaahi Cali Hudey oo Fagaaraha Guriceel lagu soo Bandhigay Shir Jaraaidna Lagu Dul Qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here