Home Wararka Maanta Dowlada Qatar oo Heshiis Cusub la Saxiixatay Dowlada Soomaaliya

Dowlada Qatar oo Heshiis Cusub la Saxiixatay Dowlada Soomaaliya

0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle, oo ku sugan magaalada Dooxa ee Dalka Qadar oo uu kaga qayb galayo Shirka Madasha Dooxa, ayaa waxa uu Heshiis Is-afgarad ah (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga dhanka waxbarashada ee Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar la saxiixday Hay’adda Qatar Fund.

Heshiiskan Is-afgaradka ah ayaa ah mid lagu taageerayo waxbarashada ubadka Soomaaliyeed kuwaas oo aan fursadda u helin in ay aadan dugsiyada, ayada oo sidoo kale kor loogu qaadayaa tayada waxbarashada dalka iyo la dagaallanka heerka jahliga ee bulshada Soomaaliyeed.

“Waxbarashada ubadka Soomaaliyeed waa mudnaanta koowaad ee dowladeenna. Heshiiskan Is-afagradka ah waa mid aan ku dardar gelinayno dadaalka aannu ku bixinayno in aannu ardayda Soomaaliyeed gaarsiinno waxbarasho tayo sare leh, sidoo kale na kaga fogaanayno in jiilal badan oo gaaray xilligii waxbarashadu ay seegaan dugsiyada.”  Ayuu yirii Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada.

Munaasabadda lagu saxiixayey Heshiiskan is-afgaradka ah, waxaa sidoo kale ka qayb galay, Danjiraha Dowladda Soomaaliya u jooga dalkan Qadar Cabdirisaaq Faarax Cali Taano, La Taliyaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane Siciid Jaamac Guuleed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sannadihii la soo dhaafay dadaal buuxa gelisay kor u qaadidda tayada Waxbarasha dalka,  iyada kor loo qaaday miisaaniyadda waxbarashada, lana diyaariyey manhaj waxbarasho oo ka kooban dugsiyada hoose, dhexe iyo sare, sidoo kale waxbarasho lacag la’aan ah ayaa loo fidiyey kumannaan da’yar Soomaaliyeed ah.

Ad
Previous articleKoonfurgalbeed oo Soo Wareejisay Xogta Golaha shacabka ee Dhawaan Halkaas lagu Soo Doortay(Sawiro)
Next articleP.M Rooble oo kulan la qaatay Hay,adaha Amniga Farayna Talaabo Degdeg ah(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here