Home Wararka Maanta Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel oo laga dareemayo Barakax Dadka Shacabka ah

Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel oo laga dareemayo Barakax Dadka Shacabka ah

0

Waxaa xalay ilaa saaka barakac xoogan uu ka socdaa degmooyinka Dhuusamareeb & Guriceel ee gobolka Galgaduud kadib dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay sameeyeen Ciidamada xoogagga hubeysan ee Ahlusunna Waljamaaca eek u sugan degaanka Bohol.

Dad ku sugan labada degmo ayaa sheegay in barakaa uu ka dambeeyay kadib markii ay heleen warar sheegaya in xoogaga Ahlusunna ay weerar kusoo yihiin labada degmo, waxaana dadka degaanka au u barakaceen degaano u dhow Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Dhinaca kale Ciidamada Dowlada Federaalka, kuwa Galmudug iyo Ciidamada  ATMIS ayaa heegan sare ka galey Xaafadaha Magaalada Dhuusamareeb, waxaana la arkayaa askar aad u badan oo saacadihii u dambeeyay la dhoobey waddooyinka soo gala Magaalada iyo xarumaha muhiimka ah ee Dowladda.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Guraha dabaqadya ah ee magaalada dhuusamareeb iyo dhismayaasha kale ee ku yaala bartamaha Magaalada la saaray Ciidamo faarbadan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa aad loo hadal haayay dhaq dhaqaaqyada ay wadaan xoogagga Ahlusunna Waljamaaca, iyada oo dadka kunool degmooyinka Guriceel iyo Magaalada Dhuusamareeb ay xilligaan cabsi xoogan dareemayaan.

Ad
Previous articleCabdiraxman Cabdishakur oo Weerar Afka ah Ku Qaaday Xildhibaanada uu Codka Ka Rabo
Next articleMusharixiinta Madaxweynaha Ee ugu Saamaynta Badan oo Goordhow khudbada Jeedin Doono

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here