Home Wararka Maanta Waa kan Musharax ay wadato Xukuumada Xasan Shiikh iyo Malxiiskiisa oo...

Waa kan Musharax ay wadato Xukuumada Xasan Shiikh iyo Malxiiskiisa oo qaatay shahaadada Musharaxnimo ee Kursiga HOP86 ee Fahad Yaasiin loo Diiday(Sawiro)

0

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka ayaa shahaadada Musharaxnimo gudoonsiiyey labo musharax oo isku soo diiwaan geliyey doorashada Kursiga HOP86 ee golaha shacabka Somalia oo uu horey ugu guuleystay agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin balse nloo diiday.

Labada Musharax ee qaatay shahaadada ayaa kala ah Prof. Maxamed Xaaji Shiikh Axmed oo ka tirsan kooxda Damujadiid ahna musharaxa kursigan loo xiray iyo musharaxa malxiis ah oo aan magaciisa la shaacin.

Waxaa doorashadan sida muuqata iskaga haray dhowr Musharax oo uu ka mid ahaa Cabdinuur Maxamed Axmed oo ka mid ahaa raggii sida weyn ugu dhowaa Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo, sidoo kalena soo qabtay xilalka agaasimaha Villa Somalia iyo madaxa qeybta warfaafinta ee madaxtooyada.

Musharaxiintan ayaa loo diiday tartanka iyo iney qaataan shahaadada tartanka ka dib markii xalay guddiga KMG ah ee doorashooyinku ay soo saareen qoraal ay ku sheegayaan in sababo amni awgood doorashada kursiga HOP86 laga soo wareejiyey magaalada Balad-weyne, lana keenay Muqdisho.

“5 musharax oo aan ku jiro ayaa loo diiday inay galaan gudaha Xarunta Guddiga ee Hotel Shabeel xilli ay shaqo ka socoto oo lagu diiwaangalinayo odayaal. Haddii Musharax Cabdinuur laga urinayo maamulkii hore, maxaa musharixiinta kale fursad loo siin waayay?” ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka ayaa sheegay in doorashada kursigan ay ka dhici doonto magaalada Muqdisho 25-ka bishan Febraayo oo ku aadan Sabtida soo socota.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Alshabaab Farabadan oo Markale lagu Dilay Dagaal ka Dhacay koonfurta Gobalka Mudug
Next articleMareykanka oo soo saaray sharci ay tahay inay ogaadaan Soomaalida usoo tahriibeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here