Home Wararka Maanta Cabsi Xoogan oo Ka Jirta Magaalada Xarardheere iyo Imaaraadka Oo Joojiyay Lacagihii...

Cabsi Xoogan oo Ka Jirta Magaalada Xarardheere iyo Imaaraadka Oo Joojiyay Lacagihii Uu Siin jiray Ciidamada…

0

Kadib ka bixitaankii ciidamada dowladda ee deegaanada ay Camaara ka mid tahay ee gobolka Mudug, ayay xeeldheerayaasha amniga waxa ay sheegayaan in tallaabadan ay ka dhigan tahay in degmada Xarardheere ay haatan wajahayso halis ka badan intii hore.

Waxaa la sheegayaa in Al-Shabaab ay heleen dhul balaaran oo ay ku abaabulaan weerar ay isugu dayaan in ay dib ugu qabsadaan Xarardheere oo u ahayd degmo xeebeed aad muhiim u ah, oo xitaa ay kala soo degi jireen sahayda ciidanka ee meelaha kale uga imaanaysa.

Xarardheere waxa ay ka mid ahayd meelihii ugu muhiimsanaa ee ay Al-Shabaab kala wareegtay sanadkii hore, waxaana la qabtay 16-kii Janaayo, 2023-dii.

Qariiradda hoose oo ay faafisay Majallad Caalami ah oo amniga Afrika ka faaloota (Waxaa soo saara Mac-hadka American Express Institute) ayaa muujinaysa meelaha dowladda ka baxday iyo meelaha halista u ah weerarka.

Imaaraatka oo go’aan laga sugayo

Inkasta oo Imaaraatka joojiyeen mushaaraadkii ay siin jireen ciidamada xasilinta caasimadda iyo guud ahaan kabkii miisaaniyadda kadib weerarkii Al-Shabaab ee Xerada Jeneraal Gordan, ayaa waxa ay hadda wararka sheegayaan in Dubai ay gebi ahaanba ka fiirsanayso dhaqaalihii ay ku bixin jirtay tabobarka, taageerada iyo qalabaynta ciidamada Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa sidoo kale la sheegay inaanu ku faraxsaneyn heshiiska ay Muqdisho la gashay Turkey ee baarlamanku ansixiyey, halkii kii Imaaraadka aan xitaa la horgeyn, ayada oo wararku sheegayaan inuu si hoose u diiday.

Lama oga in goaanka Imaaraatka uu saamayn doono kumanaanka ciidan ee ay mushaarka iyo tabobarka siiso ee ku kala sugan Puntland iyo Jubaland.

Ad
Previous articleRagii La Goostay Gaarigii Dowlada ee Ka Gatay Alshabaab oo Xukun Adag lagu riday
Next articleLix jeer ayaan qarax ka badbaaday, waxaa iigu xanuun badnaa kan oo wiilkeyga yar ila socday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here