Home Wararka Somaliya Galmudug Wasiirka Gashaandhiga iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka oo abaabul ka wado Dhuusamareeb...

Wasiirka Gashaandhiga iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka oo abaabul ka wado Dhuusamareeb Xili Alshabaab Ceel lahelay La wareegeen(Sawiro)

0

Wasiirka gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa kormeer shaqo ugu tagay kumaandooska Gorgor iyo Danab ee ku sugan magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Wasiirka iyo Taliyaha ayaa ciidanka ku boggaadiyey shaqada adag ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed, lana joogo waqtigii si buuxdo dalka looga xoreyn lahaa Khawaarijta, waxayna kula dardarmeen inay sii labo jibaaraan howlahooda shaqo ee ah Xoreynta dalka.

Dhanka kale Alshabaab ayaa Si Buuxda Ula wareegay Deegaanka Ceel lahelay oo jimcihii lasoo Dhaafay Weerar Culus ka Gaysteen.

Ciidamada Dowlada ayaa Guud ahaanba laba Maalin kahor isaga Soo baxay Ceel lahelay Waxayna sooo Dageen Dhuusmareeb Halka Qaar kalana Guriceel Aadeen Deeganada Labidulle sinadhaqo iyo Ceel lahelay ayayna Alshabaab Dib ulanwareegeen.

Dowlada soomaaliya ayaa marakle isku Dayaysa inay Ciidamada Dowlada Dib ugu Celiyeen Ceel lahelay Danab yaana lagu eedeeyey inay Dagaalka uga Soo baxeen Ciidmada Beesha Duduble kuwaas oo Deegaanka Ceel lahelay looga Dilay ku dhawaad 40 askari oo rag iyo Dumar isugu jira.

Ad
Previous articleNinkaan dartii waxaa gorodda iskula jira Canada iyo Hindiya
Next articleDiyaarad laga Leeyahay kenya oo ku Burburtay Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here