Home Wararka Somaliya Galmudug Guddiga Doorashada Galmudug oo Maanta Galkacyo kula Kulmay Odayaasha dhaqanka Galmudug (Sawiro)

Guddiga Doorashada Galmudug oo Maanta Galkacyo kula Kulmay Odayaasha dhaqanka Galmudug (Sawiro)

0

Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad goboleed Galmudug (SEIT) oo ay Weheliyaan Xubnaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) ayaa maanta la kulmay Maamulka gobolka, Golaha Deegaanka Gaalkacyo, Odoyaasha Dhaqanka 11-ka beelood oo kuraastoodu taalo Gaalkacyo, haweenka iyo dhalinyarada .

Guddiga ayaa ku wargeliyey kasoo qeybgalayaasha in Doorashada aqalka hoose ay dhowaan bilaaban doonto, Doorashada oo ku salaysan go’aanada madasha wadatashiga qaranka, odoyaasha iyo bulshada rayidka ayaa door xoogan kuleh Soo xulista ergooyinka doorashada.

Maamulka Gobolka, golaha deegaanka,Odoyaasha dhaqanka iyo qaybaha kale ee Bulshada ayaa soo dhoweeyey guddiyada Doorashooyinka, waxayna hoosta ka xariiqeen in Degmada Gaalkacyo ay u diyaarsan tahay in Lagu qabto Doorashada Gollaha Shacabka ee dhawaan la filaayo inay qabsoonto.
Waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin, Isla markaana ay si buuxda ula shaqaynayaan guddiyada Doorashada.

Ugu danbayn waxay balan qaadeen kaamulka Gobolka , kan Degmada Gaalkacyo iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada inay si buuxda ula shaqaynayaan Guddiyada Doorashooyinka.
Kulanka ayaa kusoo dhamaaday is afgarad iyo in si buuxda looga wada shaqeey Doorashada.

Ad
Previous articleDiyaarado Dagaal oo Duqeyma culus ka fuliyay Caasimada Gobalka Tigray
Next articleRa”isul Wasaare Rooble oo Maanta la Kulmay wafdi ka socday Dalka Sweden

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here