Home Wararka Caalamka Putin oo Markaan Wacad Ku Maray Inuu Adeegsan Doono Hubka Nukliyeerka iyo...

Putin oo Markaan Wacad Ku Maray Inuu Adeegsan Doono Hubka Nukliyeerka iyo biden oo u jawaabay

0

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay duullaanka Madaxweyne Vladimir Putin ee dalka Ukraine, iyada oo hoggaamiyaha dalka Ruushku uu kor u sii qaaday xiisadda dagaal isla markaana uu ku hanjabay inuu isticmaali doono hubka nukliyeerka.

“Aan si cad u hadalno. Xubin joogto ah oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku duulaysa dal deriskooda ah, iskuna dayaysa inay dal madax banaan ka tirtiraan khariiradda caalamka” ayuu yiri madaxweyne Biden, isaga oo hadalkiisa sii raaciyey.

 

“Ruushku wuxuu si xishood la’aan ah ugu xadgudbay mabaadi’da aasaasiga ah ee Axdiga Qaramada Midoobay, kaasoo si cad u mamnuucaya in wadamadu ay qaataan dhul ka mida dalalka deriskooda ah” ayuu intaas ku daray

 

Xiisaddii dagaal ee ugu weynayd ayaa ka taagan dalka Ukraine, tan iyo markii uu bilaabmay duullaanka Ruushku bishii February 24-keedii, saacado ka hor intii aanay madaxda caalamku imanin kulanka ka socda xarunta Qaramada Midoobay, Putin oo ku sugan Moscow ayaa ku dhawaaqay abaabulka qayb ka mida ciidamada milateriga ee dalkaas, iyadoo Puntin uu u yeeray illaa 300,000 oo ah ciidamada kaydka ah, wuxuuna wacad ku maray inuu tixgelin doono dhammaan xulashooyinka horyaalla, si loo ilaaliyo waxa uu ugu yeeray dhulka Ruushka, isagoo kor u qaaday walaaca laga qabo inuu isticmaalo weerar dhinaca Nukliyeerka ah.

“Haddii midnimada dhuleed ee dalkeena khatar la geliyo, waxaa shaki la’aan ah inaan isticmaali doonno dhammaan hababka kala duwan ee la heli karo, si aan u ilaalino dalka Ruushka iyo dadkeenaba – tani maaha kaftan” ayuu yidhi madaxweyne Putin oo khudbad ka jeediyey telefiishanka.

Madaxweyne Biden ayaa wax aan la qaadan karin ku tilmaamay “hanjabaadda nukliyeerka ee cad ee ka dhanka ah Yurub”, isagoo ku tilmaamay inay tahay “Masuuliyad darro ka dhan ah, heshiisyadii lagu xadidayey faafista hubka nukliyeerka”, taasoo heshiisyo badan oo caalami ahi ay mamnuucayaan in la isticmaalo hubka Nukliyeerka.

 

 

Ad
Previous articleDiyaaradaha Maraykanka Oo Xalay Duqeeyey Degaano Ka Tirsan Galmudug
Next articleCiidamada Eritrea oo weerar Culus ku qaaday Tigray iyo dagaal Qaraar oo socda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here