Home Wararka Maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay Sharciga Hay’adda NISA iyo NISA oo war...

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay Sharciga Hay’adda NISA iyo NISA oo war Kasoo saartay Talaabadaas

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xaruntooda Muqdisho ayaa meel-mariyay Sharciga Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka kaas oo ay horay usoo ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Sharcigan oo ah mid muhiim ah ayey Golaha marsiiyeen illaa saddex akhrin oo ay uga doodayeen Sharcigaan oo noqonayo kii ugu horreeyey oo ay yeelato NISA.

Illaa 144 xildhibaan ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay sharcisan, waxaana ka aamusay saddex xildhibaan waxaana diiday hal mudane sida uu shaaciyay gudoonka Baarlamaanka.

53 sano kadib maanta ayey NISA yeelatay sharci rasmi ah oo ay ku dhaqmeyso, kaas oo lagula xisaabtami karo madaxdeeda, sidoo kalena la yaqaano awoodeeda.

Agaasimaha NISA, Mahad Salaad oo siddeed billood xafiiska jooga ayaa Golaha Wasiirada horgeeyay sharciga NISA, taas oo golaha wasiirada ay ansixiyeen kadibna loo soo gudbiyay Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta isuguna ansixiyay, weliba cod aqlabiyad leh.

Sidoo kale sharcigan ayaa toos ugu sii gudbi doono Xubnaha Golaha Aqalka Sare, si ay uga doodaan, una meel mariyaan, kadibna xafiiska madaxweynaha, si uu u saxiixo.

Sidoo kale Mahad Salaad ayaa farriin u diray guddoonka iyo xildhibaanada Aqalka Sare isaga oo ka codsaday inay iyaguna meel-mariyaan sharcigaan, si ay ugu shaqeyso NISA.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in sharcigan uu muhiim u yahay amniga qaranka iyo sidoo kale la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

Ad
Previous articleSaraakiil sar sare oo Soomaaliland kaga Geeriyootay Dagaalka Kasocda Soomaaliland(Aqriso Magacyadooda)
Next articleP.M Xamse oo kulan deg deg la qaatay laamaha Amniga & Akoono cusub oo Alshabaab laga xiray (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here