Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed DEG DEG: Masuul Dhawaan ka Badbaaday Qarax lagu Weerary oo Goordhow Qarax...

DEG DEG: Masuul Dhawaan ka Badbaaday Qarax lagu Weerary oo Goordhow Qarax ismiidaamin ah lagu Dilay

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqlay xaafadaha magaalada Afgooye ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga degmadaasi Xuseen Jibriil, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay gaari uu watay mas’uulkaasi, waxaana la soo wariyey in uu ku dhintay weerarkan oo ay durbo sheegatay kooxda Al-Shabaab

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sidoo kale innoo sheegay in qaraxa loo adeegsaday mootada nooca loo yaqaano Feken-ta, taas oo lagu dhuftay gaari uu watay marxuumka.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray meesha ay wax ka dhaceen, waxayna sameeyeen baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi, balse ma jirto illaa iyo hadda wax faahfaahin ah oo ay ka bixiyeen qaraxa iyo sidoo kale howlgallada xigay.

Weerarkaan loo adeegsaday qaraxa ayaa qayb ka noqonayo falal ammaan darri oo maalmihii u dambeeyey ka dhacayey magaaladaasi.

Afgooye ayaa waxaa inta badan ka dhaca weerar toos ah, qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay magaaladaas ka fuliyaan dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab.

 

 

 

 

 

Ad
Previous articleUganda oo Qaramada madoobey ujeedisay codsi ku saabsan amniga Soomaaliya
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kusoo laabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here