Home wararka Dalka Axmed Macalin Fiqi “Dowlada Farmaajo Xil Kama Raadsan inaan La shaqeeyana Ma...

Axmed Macalin Fiqi “Dowlada Farmaajo Xil Kama Raadsan inaan La shaqeeyana Ma doonaayi.

0

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo Ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya, islamarkaana Ka qayb galay Madal ay ku midaysan yihiin Siyaasiin soomaaliyeed ayaa si kulul uga Hadlay Shaqada Dowlada iyo Balan qaadyadii ay sameeyeen Madaxda Dowlada.

Waxa uu sheegay Axmed Macalin fiqi “in Dowlada Farmaajo uusan ka doonan , Wasiir Agaasime , iyo Xil Mid kuu rabo ha ahaatee” islamarkaana uusan Dooneen in uu la shaqeeyo Dowladaan.

” waxa uu sheegay in aysan Ka dhaqan Gelin dhamaan Balan-qaadyadii ay sameeyeen Madaxda Xilka Haysa, oo shacabku Waxii ay ka sugayeen aysan Waxba Ka dhaqan gelin.

” Sidoo kale Axmed Macallin Fiqi ayaa iska Fogeeyay Hadallo ahaa in uu Xariir la lee yayay Dowlada Imaaraadka Carabta, Waxa uuna cadeeyay in warkaasi uu yahay War Kutiri Kuteen ah” Islamarkaana uu ka mid ahaa Xildhibaanadii Mooshin ka Gudbiyay.

Si kastaba Ha ahaatee Hadalkaan ayaa imaanaya Xili Dowlada Madaxwayne Farmaajo ay Wajahayso Cadaadis ah dhanka Siyaasada ah.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here