Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Ciidamada ka Tirsan kuwa Itoobiya oo Qarax lagu Dilay

Ciidamada ka Tirsan kuwa Itoobiya oo Qarax lagu Dilay

0

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya lagula eegtay duleedka degmada Diinsioor oo ka tirsan gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa si gaar ah looga beegsaday gawaari ay wateen askar ka tirsan ciidanka Itoobiya ee ka howlgala halkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in miinadu ay haleeshay mid ka mid ah kolonyada ay wateen ciidamadaasi, waxaana ka dhashay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale ciidamada ayaa qaraxa kadib furay rasaas, balse ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay, waxaana kadib ay sii wateen socdaalkooda.

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa dhabarka u ridatay mas’uuliyadda qaraxaasi, waxayna sheegtay inay ku dishay illaa 3 askari, halka ay ku dhaawacday 4 kale.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan deggan, mana jiro wax faah faahin ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada Itoobiya ee la qarxiyey.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro dhabagal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobollada Baay iyo Bakool

Ad
Previous articleCiidamada Booliska iyo Nabad Sugida Galmudug oo Howlgal Culus ka Fuliyay Wadada Xariirisa Hobyo iyo Gaalkacyo oo Cabasho Xoogan ka jirtay
Next articleTirada Ciidamada Ruushka Ugu Dhimatay Dagaalka Ukrain oo La Shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here