Home Wararka Maanta Deg Deg: Doorashadii Ugu Xiisaha Badnayd oo Caawa Gaalkacyo Ka Dhacday iyo...

Deg Deg: Doorashadii Ugu Xiisaha Badnayd oo Caawa Gaalkacyo Ka Dhacday iyo Xildhibaanad Fahad iyo Farmaajo wateen oo afka Ciida loo Daray

0

Waxaa hadda lasoo gabagabeeyey doorashada kursiga HOP#060, kaas oo 8-dii sano ee lasoo dhaafay ay ku fadhigay Ubax Tahliil Warsame, waxaana caawa ku guuleysatay Xildhibaan Qaali Cali Shire.

Kursigaan oo doorashadiisu ay ka dhacday magaalada Gaalkacyo, tartankiisu waxuu ahaa mid furan, waxaana ku loolamay afar musharax oo dhamaantood haween ah, maadaama loo asteeyey qoondo haween.

Doorashada kursigaan ayaa la isla aaday wareeg labaad oo ay isugu soo hareen Ubax Tahliil Warsame oo wareegii koowaad heshay 44-cod iyo Qaali Cali Shire oo wareegii koowaad heysatay 32-cod.

Markii ay soo dhamaatay codeynta wareega labaad, waxaa guuleysatay Qaali Cali Shire oo heshay 61-cod, halka Ubax Tahliil ay heshay 40-cod

Musharaxiinta kala ah:

1 – Ubax Tahliil

2 – Qaali Cali Shire

3 – Hodan Shire

4 – Wacan Xaaji

 

Ubax Tahliil Warsame waxay shantii sano ee lasoo dhaafay ka mid aheyd xildhibaanada sida aadka ah u cabsan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hase yeeshee, taageeradaas ayey caawa ku weysay kursigaas, ayada oo ergadii codeysay ay u muujiyeen in qof waxqabadkiisa kaliya uu ahaa inay u guulwadeyso Farmaajo aanay dib u dooraneyn, ayada oo Farmaajo-na uu waxba u qaban waayey.

 

Doorashada kursigaan ayaa saacado dib u dhacday, kadib markii ay is baheysi ku dhawaaqeen Ubax maahee seddaxda musharax ee kale, taas oo keentay in Ubax Tahliil ay diido ka qeyb galka doorashadaas.

Dib u dhac saacado ah kadib waxaa Ubax Tahliil lagu qanciyey inay hoolka doorashada soo gasho, waxaana sidaas salaadii cishaha kadib ku bilaabatay doorashada kursigaas laga leeyahay koonfurta Gaalkacyo oo loolan adag wajahay.

Codeynta ayaa aheyd mid qarsoon oo ergadu ay sanduuq codkooda ku ridayeen, waxaana ugu dambeyntii kursiga HOP060 ku guuleysatay xildhibaan Qaali Cali Shire.

 

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo War kasoo Saartay Qiimaha Shidaalka ee Cirka isku Shareertay
Next articleSiyaasiyiin Farabadan oo Ka Falceliyay Guushii Qaali Shirw iyo Guuldaradii Ubax Tahlii ee Xalay iyo Gaalkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here