Home Wararka Maanta Cabsi Xooggan oo ka jirta Baledweyn iyo Buundooyinka oo loo diiday in...

Cabsi Xooggan oo ka jirta Baledweyn iyo Buundooyinka oo loo diiday in gaadiidka maraan

0

Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ammaanka magaaladaasi gaar ahaan buundooyinka kuyaalla si weyn loo adkeeyay, waxaana magaalada lagu dhax arkayaa ciidamo badan oo amniga adkeenaya.

Ciidamada ayaa si gaar ah u adkeeyay amniga buundooyinka magaaladaasi kuyaalla, kuwaa oo laga cabsi qabo in ay qarxiyaan kooxda Al Shabaab ee dagaalka looga soo horjeedo si weyn uga socdo Hiiraan.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada ayaa mootooyinka iyo gaadiidka inta badan u diidaya isticmaalka buundada, waxaana dadka iyo sidoo kale baabuurta qaar oo lagu sameeyay baaritaano loo fasaxayaa in halkaasi maraan.

Cabsida la xariirta in la qarxiyo buundooyinka kuyaalla magaalada Baledweyne ayaa timid kaddib markii shalay Al Shabaab qarxiyeen buundada degmada Buulo Burde, waxa ayna saameyn ku yeelatay bur burinta buundadaasi isku socodka gaadiidka.

Al Shabaab oo awood badan  ku lahaa gobolka Hiiraan ayaa hadda laga saaray inta badan deegaanadii uu gobolkaasi ka joogay, waxaana halkaasi ka socda dagaal xooggan oo kooxdaasi looga saarayo guud ahaan gobolka Hiiraan.

Ad
Previous articleGudoomiye Cusub oo loo magacaabay Maxkamada Maxkamada Gobolka Banaadir iyo tan Racfaan
Next articleDhaawacyada qaraxyadii Jalalaqsi & Buula-burte oo la keenay Muqdisho(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here