Home Wararka Maanta Xisbiga Farmaajo oo shaaciyay in Cali Yare Cali uusan kamid aheyn Nabad...

Xisbiga Farmaajo oo shaaciyay in Cali Yare Cali uusan kamid aheyn Nabad iyo Nolol

0

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska afhayeenka madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaaji Farmaajo ayaa lagu cadeeyay in xisbigooda Nabad iyo Nolol uusan kamid aheyn guddoomiye kuxigeenkii hore ee amniga G/Banaadir Cali Cabdi Wardheere .

Qoraal kasoo baxay xafiiska Farmaajo ayaa lagu sheegay in Cali Yare si iskiis ah u go’aansaday in uu isaga baxo Nabad iyo Nolol, waxa ayna xuseen in Cali Yare doortay in uu la shaqeeyo dhinacyo kale oo siyaasadeed.

”Waxaan cid walba oo ay khusayso la wadaagaynaa in Mudane Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) uu waqti hore go’aan isaga ka soo fuley oo uu si iskiis ah u go’aansaday in uu ka baxo Nabad iyo Nolol, go’aankaasna uu mar hore la wadaagay hoggaanka Nabad iyo Nolol, wuxuuna doortay in uu la shaqeeyo dhinacyo kale oo siyaasadeed” ayaa lau yiri qoraalka.

Ad
Previous articleWasiirka Amniga Soomaaliya oo kasoo Jorjeestay Maamul ay Dowlada Federaalku Taageertay
Next articleDeni oo Xilka Ka Qaaday Laba Wasiir oo Saaxiib Dhiw la ahaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here