Home Wararka caalamka Wadan kamid ah Wadamada Islaamka oo shaaciyay in Ciidankiisa Diyaar u yahay...

Wadan kamid ah Wadamada Islaamka oo shaaciyay in Ciidankiisa Diyaar u yahay Dicaafa Qudus..

3
SHARE

Waxaa sii xoogeesanaya carada ka dhalatay go’aankii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ugu aqoonsaday magaalada Barakeesan ee Qudus in ay tahay Caasimada Maamulka Israa’iil.

Wadamo badan oo Caalamka kuyaala gaar ahaan kuwa Islaamka waxaa ka dhacay banaan baxyo aad u waa weyn oo looga soo horjeeday Go’aankii Dowlada Mareykanka, waxaana Madax kala duwan cambaareeyeen Donald Trump.

Wasiirka Gaashaandhiga dalka Malaysia, Hishammuddin Hussein ayaa si kulul u cambaareeyay go’aanka dowlada Mareykanka, waxa uuna tilmaamay in go’aanka Mareykanka uu yahay dharbaaxo wajiga kaga dhacday Muslimiinta oo dhan.

Waxa uu sheegay Wasiirka Gaashaandhiga Malaysiya in Ciidankooda Milatariga ay diyaar u yihiin in ay difaacaan magaalada Barakeesan ee Qudus, waxa uuna intaa raaciyay in kaliya sugayaan amarka madaxda sare.

Wadamada Islaamka ayaa si xoogan uga hor yimid go’aankii Madaxweynaha dalka Mareykanka ,waxaana la filayaa in Madaxda Wadamada Islaamka in go’aankan shir deg deg ah ka yeeshaan.

Loading...

3 COMMENTS

  1. CADOWGA KOOWAAD EE ISLAAMKA WAA MARAYKAN. WAY SOO DHAMAATAY HOOSAASINTII OK. NATAYAHUNA FUTO U USAN LAHAYN BUU KU XAARAAN, WAXAY U SUGAYNAA WAXA DHACA!!!.
    LACNATULAAHI CALAYKUM YAA DONALD TRUMP IWM

  2. CADOWGA KOOWAAD EE ISLAAMKA WAA MARAYKAN. WAY SOO DHAMAATAY HOOSAASINTII OK. NATAYAHUNA FUTO UUSAN LAHAYN BUU KU XAARAYAA, WAXAYNU SUGAYNAA WAXA DHACA!!!.
    LACNATULAAHI CALAYKUM YAA DONALD TRUMP IWM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here