Home Wararka caalamka Dowlada Israel oo duqeesay Qeybo kamid ah Magaalada Qaza..

Dowlada Israel oo duqeesay Qeybo kamid ah Magaalada Qaza..

0
SHARE

Israaa’iil ayaa sheegtay in ay bartilmaameedsatay goobo ay leeyihiin garabka hubaysan ee Xamaas iyaga oo ka aar goosanaya gantaallo lagu soo riday.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay subaxnimadii hore ee Sabtida duqeeyeen goob hubka lagu sameeyo iyo bakhaar rasaasta lagu kaydiyo

Gantaallada ayaa Israa’iil lagaga soo riday dhanka Qaza mid ka mid ahna wuxuu ku dhacay magaalada koonfurta ku taalla ee Sderot.

Xiisadda ka dhex taagan Falastiiniyiinta iyo Israa’iil ayaa sare u kacay tan iyo markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu aqoonsaday in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil.

Go’aaankaas uu Arbacadii gaaray ayuu kaga baxay siyaasad uu Maraykanku dhexdhexaad kaga ahaa arrintan muddo tobannaan sano ah.

Israa’iil ayaa waligeed u aragta Qudus in ay caasimaddeeda tahay, halka Falastiiniyiintyna ay ka sheegtaan in Bariga Qudus oo ay Israa’iil ku qabsatay dagaalkii 1967dii in ay tahay caasimadda dawlada ay mustaqbalka yeelan doonaan.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here