Home Wararka Somaliya Somaliland Somaliland oo ka jawaabtay Wararka sheegaya in ay gabaad siiso kooxda Al...

Somaliland oo ka jawaabtay Wararka sheegaya in ay gabaad siiso kooxda Al Shabaab

0

Maamulka Somaliland ayaa waxba kama jiraan iyo been abuur ku tilmaantay wararka sheegaya in ay gabaad siiyaan dagaalyahanada Al Shabaab ee ku sugan qeybo kamid ah deegaanada Puntland.

Taliyaha guud ee ciidamadda Somaliland Jeneraal Nuux Ismaaciil ayaa sheegay in aysan gabaad siin kooxaha argagaxisa uu tilmaamay in umadda dhibaato ku hayaan, waxa uuna beeniyay eedeynta maamulkooda loo jeediyay.

Waxa uu sheegay taliyaha in eedeynta uga timid dhinaca Puntland uu yahay mid aan laga fiirsan, isagoona tilmaamay  in liiskii u danbeeyay ee shakhsiyaadkii Maraykanku ku tilmaamay in ay taageeraan Argagixisada ay dhammaantood ka soo jeedaan Puntland.

Hadalkan kasoo yeeray maamulka Somaliland ayaa kusoo aadaya xilli dhawwaan taliyaha ciidamada maamulka Puntland ku eedeeyay maamulka Somaliland in gabaad iyo gacan siiyaan kooxda Al Shabaab.

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Dib ugu Soo laabtay Dhuusomareeb laguna soo dhaweeyay (Sawirro)
Next articleTodoba qof oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Talyaaniga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here