Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Dowlada Soomaaliya iyo Dowlada Imaaraadka oo isku raacay...

Wararkii ugu Danbeeyey Dowlada Soomaaliya iyo Dowlada Imaaraadka oo isku raacay in laga jawaabo laba arrin

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma Al-Rumaithi.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay taageerada arrimaha xasilnta, u-diyaar garowga duufaanta El-Nino iyo xoojinta deeqaha iyo gargaarka Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in deg-deg looga jawaabo baahiyaha bani’aadannimo ee ka jira goobaha laga xoreeyay Al-Shabaab iyo in wadajir loogu diyaar-garoobo ka hortagga iyo ka dabataga saameynta la filayo ee duufaanta El-Nino.

Sidoo kale waxa ay isku raaceen in dowladda Imaaraadka xoojiso dadaallada deeq-bixinta iyo maalgalinta mashaariicda adkeysiga iyo soo kabashada.

Guddoomiye Maxamuud Macallin oo madasha ka hadlay ayaa ka dalbaday dajniraha inay gacan ka siiyaan ududeynta kulamo doceedka hay’adaha dhigeenna ee dunida marka la gaaro shirka COP28  oo dalkaas ka furmaya bisha November ee soo aaddan.

Dhankiisa Danjire Axmed Juma Al-Rumaithi ayaa ballan-qaaday u howl-galidda qodobbada laga wada-hadlay, wuxuuna xusay in dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay gacanta ku heyso qorshayaal maalgalin oo wax ka taraya la qabsiga iyo u adkeyga cilimida, isla-markaana mashaariicdaas la soo mari doono hay’adda Maareynta Musiibooyinka

Imaaraadka ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, wuxuu ka qayb qaataa dib u dhiska ciidamada, isaga oo sidoo kale mashaariic ka fuliyo dalka.
Ad
Previous articleGudoomiyayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oonXasan Shiikh kulan kula Qaatay Madaxtooyada Galmudug Maxay kawada Hadleen(Sawiro)
Next articleMareykanka oo kordhiyay lacagaha saaran madaxa C/llaahi Cusmaan Maxamed oo Al-shabaab ka Tirsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here