Home Wararka Maanta Mareykanka iyo Soomaaliya oo kala saxiixday heshiis ku kacaya $92.6 milyan

Mareykanka iyo Soomaaliya oo kala saxiixday heshiis ku kacaya $92.6 milyan

0

Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa maanta kala saxiixday heshiis horumarineed oo ku kacaya $92.6 milyan, kaasi oo Mareykanka uu ku caawinayo qaar ka mid ah barnaamijyada horumarinta Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa heshiiskan u saxiixay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo horumarinta Dhaqaaalaha Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene, iyo Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, halka dowladda Mareykanka uu wakiil ka ahaa Shane Dixon, sii hayaha xilka safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

Wasiir Beenebeene ayaa sheegay in heshiiska uu Soomaaliya ka caawinayo dhisidda adkeysiga iyo xasilloonida, horumarinta kobaca dhaqalaaha iyo dowladnimada iyo awoodsiinta hoggaamiyayaasha mustaqbalka, haweenka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Shane Dixon ayaa yiri “Heshiiskan waxa uu xoojinayaa 17 sano oo Maraykanku uu caawimaad horumarin siinayo Soomaaliya, aragtideena wadajirka ah ee adkeysiga, iyo sida ay nooga wada go’an tahay mustaqbal barwaaqo ah.”

Mareykanka ayaa ah dalka kaalmada ugu badan siiya Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale ka caawiyaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo tababarka ciidamada.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah:Taliyihii Nabad Sugida Degmada Dooloow oo la Dilay iyo cidii Dishay oo Gacanta lagu Dhigay
Next articleHoggaamiyaha milatariga Sudan oo ugu Danbayn u suurta gashay in dalka uu ka baxo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here