Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Guutada 14ka Octoobar oo Balan Qaaday inay Deg deg uga Jawaabi Doonaan...

Guutada 14ka Octoobar oo Balan Qaaday inay Deg deg uga Jawaabi Doonaan Amarki Madaxweyne Xasan Shiikh ee Shabeelada Hoose

0

Taliyaha Guutada 14-ka October ee ciidanka xoogga dalka G/dhexe Nuur Maxamed Gaabow ayaa shaaciyay in dhawaan ay bilaabi doonaan howl-galada uu madaxweyne Xasan Sheekh kaga dhawaaqay Koonfur Galbeed.

G/dhexe Nuur oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in guutadiisa ay gacanta ku hayso qeybo badan oo dhulka Shabeellaha Hoose, ayna u diyaarsan yihiin howl-galada xoreynta deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

“Dhaq-dhaqaaq xoogan ayaa ka wadna gobolka, waana u diyaarsanahay in nimankaas la dirirno oo arrintaas in wax badan ka badalno oo agteena ku hadhsan meelkasta oo ay galaana laga daba-galo,” ayuu yiri.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu ka warbixiyay howl-galadii u dambeeyay ee ay ku jabiyeen kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo lagu burburiyay maxkamada-beenaadkii ay kooxda gobolka ku laheyd, oo ay ugu yeeri jireen dadka.

“Anaga guutada 14-ka October ururkeeda 14-aad waxaa burburinay maxkamado ay dadka ugu yeeri jireen dadka shacabka ama ganacsatada ama beeraleyda ay Xamar ka wacaan ama Marka iyo Shabeellaha Hoose ka wacaan,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Bulshada niyad ahaan sida ay ahaan jirtay dhowr billood ka hor hadda ma aha. Dadka Shabeellaha Hoose ku nool 60% maadama uusan kacdoon shacab ka bilaaban haddana waxay diyaar u yihiin in ay ciidanka la howl-galaan oo xogtii bixiyaan. Su’aalaha soo noq-noqonaya waa damaanad-qaadkii ayaa nagu yar, howl-galkii ma socdo laakiin waa dad u diyaarsan inay argagixisada la-dagaalan.”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Baydhabo ayaa sheegay in dhawaan lasoo afjarayo Shabaab-ka ka dagaalamaya Galmudug iyo HirShabeelle, islamarkaana wajiga labaad ee dagaalka kooxda ay dowladdu ka bilaabi doonto Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dagaalkaan laga soo bilaabi doono xadka Itoobiya, lana wadi doono illaa badweynta Hindiya, si loo dhameeyo Shabaab-ka dhulkaas ku sugan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladdu ay diyaarisay ciidan xoog leh oo isku filan una diyaarsan inay kooxda Al-Shabaab ka xoreeyaan dalka inta ay ka joogaan.

Howl-galada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe dardar xoogan ku socday, ayada oo kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana lagala wareegay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Ad
Previous articleMadaxweyne Deni oo War kasoo Saaray Guulaha isdaba jooga ah ee Galmudug Alshabaab ka Gaartay
Next articleQ.Midoobe Oo Balanqaad inay Deg deg ku Gaarayso Deegaanada Laga Xoreeyay Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here