Home Wararka Maanta Wasiirka Gaashaandhigga oo ku xigeenka ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo kulan...

Wasiirka Gaashaandhigga oo ku xigeenka ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo kulan La yeeshay(Sawiro)

0

Wasiirka gaashaandhigga xukuumada Soomaaliya mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo ku xigeenka ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Anita Kiki ayaa maanta kulan ku yeeshey Muqdisho.

Labada ma’suul ayaa ka wadahadlay arrimo dhowr ah oo ah kamid yihiin, wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka kooxda Al Shabaab ee ay waddo dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka iyo Anita Kiki , waxay ka wadahadleen sidii dalka looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka si ciidanka qalabka sida awood ugu yeeshaan sugidda ammaanka wadanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa taageero u raadineysa wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab oo la filayo in si rasmi ah uga bilowdo qeybo kamid ah dalka.

Ad
Previous articleQoor Qoor oo Hambalyo u Diray Shaqaalaha Galmudug
Next articleCiidamo cusub oo kamid noqonaya Kumaandooska Danab oo Tababar loo furay (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here