Home Wararka Maanta Deg deg Qarax kale oo Caawa ka Dhacay Magaalada Muqdisho iyo Qasaara...

Deg deg Qarax kale oo Caawa ka Dhacay Magaalada Muqdisho iyo Qasaara Ka Dhashay

0

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, mid kalena waa uu ku dhaawacmay qarax caawa ka dhacay isgoyska Xararyaalle ee oo ka tirsan degmada Warta nabada ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo loo adeegsaday bam gacmeed ayaa la soo sheegayaa in lagu weeraray askar ka tirsan booliska DF oo ku sugneyd isgoyska Xararyaale.

Goob joogayaal ayaa sheegay salaadii cishaha kadib ay maqleen jug xoogan oo ka dhacday dhanka Isgoyska kadibna ay xigtay rasaas badan oo ciidamada rideen.

Qofka geeriyooday iyo midka dhaawaca ah ayey wararku sheegayaan iney ahaayeen shacab ku dhowaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Ciidamada ammaanka ayaa bilaabay baaritaano amni xaqiijin ah, waxayna ku daba jiraan raggii ka dambeeyay weerarkan.

Waa qaraxii labaad ee 24 saac gudahood ka dhaca Muqdisho, maanta barqadii ayey aheyd markii qarax ismiidaamin ah lagu dhaawacay afhayeenka Xukuumada Somalia Maxamed Ibraahim Macalimu

Ad
Previous articleDeg Deg Qarax Caawa Ka dhacay Magaalada Boosaaso(Sawiro)
Next articleRa’isul Wasaare Rooble oo isbitaalka ku Booqday Dhaawaca Afhayeenka Xukuumadda (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here