Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweynaha galmudug oo Muqdisho si weyn Loogu soo dhaweeyay (Sawiro)

Madaxweynaha galmudug oo Muqdisho si weyn Loogu soo dhaweeyay (Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdishu halkaas oo madax iyo masuuliyiin sare oo heerarka kala duwan ah ay si weyn ugu soo dhaweeyeen Garoonka Adan Cabdulle ee Magaaladda Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa dhawaan ka qeybgali doona shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu ku casuumay Ra’iisul Wasaaraha XFS.

islamaanta waxaa Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Galmudug, Madaxweynaha Puntland iyo Jubbaland si ay uga qeyb-galaan Shirkii uu ku baaqay R/W Rooble.

Maalmaha soo aadan ayaa La filayaa inuu shirkaan Furmo si Looga hadlo arimaha Doorashada dalka.

Ad
Previous articleMasuuliyiin ka Tirsan Puntland oo Qarax lala Eegtay
Next articleAlshabaab oo Weerar Qarax ku bilaawday ku qaaday Deegaanka Wasil ee Gobalka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here