Home Wararka Somaliya Galmudug Koontaroolka Koonfurta Magaalada Gaalkacyo oo Mudo kadib Dib loo Furay

Koontaroolka Koonfurta Magaalada Gaalkacyo oo Mudo kadib Dib loo Furay

0

Maamulka Gobalka Mudug Galmudug ayaa ku guuleystay in dib loo furo koontaroolada Magaalada Galkacyo kuwaas oo maalmihii u danbeeyay u xirnaa ciidan beeleed tabashooyin qabay

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Ahmed Bukhaari ayaa dadaal dheer u galay sidii looga qaadi lahaa ciidamo beeleed ku sugnaa koontaroolada sidoo kalana dowlad gobaleedka Galmudug ay u xalin lahaayeen waxyaabaha sababay in in maleeshiyaad kasoo jeeday beel ka mida beelaha galmudug ay xirtaan kontaroolada taas oo keentay caqabad ka dhalatay xirnaashaha koontaroolada taas oo ah in gabi ahaanba ay hakad galaan isku socodkii iyo dhaq dhaqaaqyadii ganacsi ee isaga kala gudbi jiray goballada dhaxe iyo kuwa koofureed ee dalka

Gudoomiyaha Gobalka Mudug Axmed xuseen shire Bukhaari ayaa si loo furo koontaroolada u joogay caasimada Galmudug ee dhuusa mareeb isagoona kala hadlayay madaxda Galmudug xal ka gaarista dhibaatada abuurtay in maleeshiyo beeleed careysani ay xirtaan koontaroolada ugu danbeyna gudoomiiyaha gobalka oo kaashanaya cuqaasha iyo waxgaradka ayaa ku guuleeystay in caawa dib ay u furmaan sadax koontarool oo ku yaalay magaalada Galkacyo dhanka dowlad Gobaleedka Galmudug.

Ad
Previous articleXanaan: “Ninkeyga waa inuu Yurub tago ama uu badda ku dhinto”
Next articleRuushka oo afduubtay Madaxdii Nukliyeerka Dalka Ukraine

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here