Home Wararka Somaliya Somaliland Mucaaradka Somaliland oo meel adag iska taagay qorshaha madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi...

Mucaaradka Somaliland oo meel adag iska taagay qorshaha madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee doorashooyinka

0

Mucaaradka Somaliland ayaa meel adag iska taagay qorshaha madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee doorashooyinka, kaasi oo ay ka biya diideen hoggaanka labada xisbi mucaarad.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa xaqiijiyay in mucaaradku anay gali doonin doorasho aan tan madaxtooyada ahayn, xilli uu madaxweyne Muuse Biixi uu qorsheynayo in doorashadaas ay ka gadaal marto doorashada ururada.

Guddoomiye Faysal ayaa waxa uu sheegat in aanay suurta-gal ahayn in xilligaan doorashada ururada laga soo horaysiiyo doorashada madaxtooyada, maadaama uu ku dooday inay sharciyad ku fadhin arrintaas.

“Horta doorasho ururo dhicimayso, nin ka doorasho urur doonayow reerkiinu haduu kuu codeeyo yaa kale kuu codaynaya, suurtagalna maaha, sharcina maleh, adduunkana kama dhacdo” ayuu yiri Guddoomiye Eng. Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday in xisbiyada mucaaradka iyo taageerayaashoodu aanay gali doonin doorasho aan ahayn doorashada madaxtooyada, “Labada xisbi mucaarad iyo taageerayaashoodu go’aan ayay soo saareen ay leeyihiin doorasho aan ta madaxtooyada ahayn gali mayno.”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa uu sharci darro ku tilmaamay muddo kordhinta loo sameeyay madaxweyne Biixi ee uu ku fadhiyo kursiga u sareeya Somaliland.

“Somaliland adiga ayaa dabada haya hadii aynaan dhexdeena ka heshiinin oo aynaan wax ku heshiinin, waxad kaligaa wadi kartaa ma jirtee dalka uun baad khatar galinaysa,” ayuu Guddoomiye Faysal hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi in uu la kulmo hoggaanka mucaaradka, si ay iskula eegaan sharciga doorashada ee uu muranku ka taagan yahay.
Ad
Previous articleWaa tuma gabadha keliya ee Soomaalida ah ee ku guuleysatay abaalmarinta lama helaanka ah?
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey aqbaaladda codsiga dowladda Soomaaliya ee (EAC)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here