Home Wararka Somaliya Galmudug Deg Deg Xanti dhowrka Guud oo xiray Wasaaradda diinta iyo Awqaafta

Deg Deg Xanti dhowrka Guud oo xiray Wasaaradda diinta iyo Awqaafta

0

Warar ay heshay warbaahinta ayaa xaqiijinaya in maanta Wasaarada Aw-qaafta iyo Arimaha Diinta Xafiisyo ka mid ah ay albaabada isugu dhufteen Masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Hanti dhowrka Guud ee Qaranka ka dib markii uu dhawaan uu soo if baxay Musuq maasuq ka jira Wasaaradaasi taasi oo la xiriirta Hanaanka bixinta Viisaha Xajka ee sanadkan oo dhaqaale badan lagu xiray.

Xogtan oo ay Somali Cable ka heshay ila muhiim oo ka tirsan Wasaarada Diinta ayaa sheegeysa in Xafiisyada la xiray ee albaabada la isugu dhuftay ee uu hanti dhowrka amray in ilaa amar dambe aan la furi karin ay ka mid yihiin: Xafiiska Wasiirka, Xafiiska Agaasimaha Guud, Xafiiska Waaxda Xajka iyo Xafiiska Maamulka iyo Maaliydda.

Sidoo kale warar aan ka helnay ilaha Wasaarada ayaa sheegaya in weli khilaaf uu ka dhex jiro Xaruunta Wasaarada ka dib markii Wasiirka Diinta Sheekh Cumar Cali Rooble uu amar ku bixiyay in Wasaarada uusan soo gali karin Agaasimihii hore ee Wasaaradaasi Cumar Faaruuq.

Khilaafka Wasiirka iyo Agaasimaha ayaana la sheegay in uu salka ku hayo habka Maamulida arinta Xajka ee sanadkan iyo Mashruuc la yiraahdo PCV oo UN-ka maal galinayay kaasi oo ku saabsan ladagaalanka Argagixisada,Waxaana mashruucaasi la sheegay in uu ku baxayo Dhaqaale badan.

Ad
Previous articleSafiirka Somaliya ee Kenya oo ka baxay Shir Madaxweynaha Kenya uu isugu yeeray Diplumasiyiin
Next articleMadaxweyne ku xigeenka Galmudug oo ka haray Tartanka Ra’isul Wasaaraha cusub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here