Home Wararka Maanta Dab Markale ka kacay Suuqa Xamar weyne oo Dhawaan Dad Badan ku...

Dab Markale ka kacay Suuqa Xamar weyne oo Dhawaan Dad Badan ku Hanti Beeleen

0

Dab kale oo la demi waayey ayaa maanta gelinkii dambe ka kacay suuqa weyn ee degmada Xamarweyne, kaas oo dadka ku howlan demintiisa ay ilaa hadda ku sugan yihiin gudaha suuqa.

Dabkaan ayaa la ogaaday inuu ka dhashay haraadiga dabkii habeen hore burburiyey suuqaas, kaas oo hanti tiray dad badan oo ganacsi kumanaan dollar ku fadhiya ku lahaa suuqa Xamarweyne.

Guddoomiyaha degmada Xamarweyne oo maqribkii warbaahinta kula hadlay gudaha Suuqa ayaa sheegay inay ku howlan yihiin deminta dabka oo mar kale qabsaday dhismayaasha suuqa.

Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyey in dabkaasi uu dhashay dabkii hore oo labo maalmood iyo habeen lagu howlanaa demintiisa, isla markaana burburiyey carwooyinkii iyo guud ahaan goobihii ganacsi ee ku yaallay suuqaas.

Sarkaal ka tirsan booliska oo isna warbaahinta kula hadlay gudaha suuqa gubanaya ee Xamarweyne ayaa sheegay inay toos u shaqeynayeen labo maalmood iyo labo habeyn, isla markaana aan weli lagu guuleysan in dabka la baqtiiyo.

Dad badan ayaa ku hanti beelay suuqa gubtay ee Xamarweyne, kuwaas oo carwooyin iyo goobo kale oo ganacsi ku lahaa suuqa.

Ilaa hadda lama ogaan wixii dhaliyey dabkaas, sidoo kale ilaa hadda toos looguma guuleysan in la demiyo dabkaas.

Habeenkii Jimcaha ee Sabtigu soo gelaayey ayuu suuqa ka kacay dabkaasi, wuxuuna soo gaaray caawa oo Isniin ay soo geleyso, taas oo ka dhigan in labo maalmood iyo labo habeen uu suuqu gubanayo.

Dowladda Hoose ee Xamar iyo shirkadaha dalka, sida Hormuud ayaa awoodooda isugu geeyey sidii dabkaas loo demin lahaa, balse weli toos looguma guuleysan in dabka la baqtiijiyo.

Sidoo kale weli lama tiro koobin hantida ku gubatay suuqa, balse dadka ku hanti beelay oo qaarkood ay warbaahinta la hadleen ayaa sheegay inay ku ceyrtoobeen dabkaas, iyadoo qaarkood ay cadeeyeen inuu dabku dhaafiyey kumanaan doollar.
Ad
Previous articleXoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa si weyn uga naxay duqeymaha dugsiyada waxbarashad QM
Next articleMadaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo oo fariin u diray dadka Soomaaliyeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here