Home Wararka caalamka Maxkamada Sare ee Kenya oo go.an ka qaadatay Doorashada ku Celiska ee...

Maxkamada Sare ee Kenya oo go.an ka qaadatay Doorashada ku Celiska ee Dalkaasi..

1

Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya ayaa tuurtay dacwad ka dhan ahayd dib u soo doorashada madaxweyne Uhuru Kenyatta bishii la soo dhaafay.

Lixda garsoore ee dhageysanayay dacwaddan ayaa isku raacay ansixinta guusha Kenyatta iyagoo meesha ka saaray eedaymaha la soo jeediyay.

Guddoomiyaha garsoorayaasha David Maraga ayaa sheegay in garsoorayaasha ay 21 bari guduhood ku bixin doonaan faahfaahin ku aadan sababta ay u ansixiyeen guusha Kenyatta.

Go’aankan ayaa waxa uu waddada u xaarayaa in Kenyatta mar kale xilka loo dhaariyo isbuuca soo socdo.

Maxkamadda oo la alkumay sanaddii 2010 ayaa taariikh sameysay bishii September markii ay waxba kama jiraan ka soo qaaday gushii Kenyatta ee doorashada Agosto. Waxayna amartay in doorasho hor leh lagu qabto lixdan maalmood gudahood.

Hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay inay qaadacaan doorashadaasi kuceliska ahayd isagoo sheegay in guddiga doorashada uu diiday inuu sameeyo isbadel hubin lahaa in doorashadu ay u dhacdo si xaq iyo xor ah.

10 ku laabo mudug24 xiriir

1 COMMENT

  1. KENYA WAXAY CAGTA SAARTAY WADADII *BURBURKA SHACABKA SOOMAALIYEED EE KU NOOL KENYA DALKIINA KUSOO NOQDA? KANA FEEJIGNAADA DAGAALKA KENYA KABILOOWDAY?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here