Home Wararka Somaliya Galmudug Dagaal Khasaaro Badan Dhaliyay oo Ka Dhacay Duleed ka Afbarwaaqo ee Gobalka...

Dagaal Khasaaro Badan Dhaliyay oo Ka Dhacay Duleed ka Afbarwaaqo ee Gobalka Mudug

0

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed Sabtidii ka dhacay duleedka deegaanka Afbarwaaqo ee gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed.

Dagaalkan oo lagu hoobtay ayaa dhex-maray maleeshiyaad ka soo kala jeeda maamullada Puntland iyo Galmudug oo ah kuwa daris ah.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu yimid, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen dad xoolo dhaqato ah oo ku sugnaaa agagaarka magaalada Afbarwaaqo.

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhintay dagaalka, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale oo labada dhinac ah, sida ay Mudug24 u sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay, sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ay ka yimaadeen dhanka Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dagaal culus oo foolka fool ah uu ka qarxay goobta, islamarkaana si weyn looga dareemay halkaasi

“Run ahaantii marka la fiiriyo waxay labada maleeshiyo kasoo lala jeedaan Puntland iyo Galmudug, kuwa duulaanka soo qaaday waa reer Puntland” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa inay dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka socdaan qaybo ka mid ah gobolka Mudug.

Gobolkan ayaa waxaa kusoo noq noqday, dagaal beeleedyo u dhexeeyo maleeshiyaad ku wada sugan Mudug oo ay ka wada arrimayaan labada maamul ee Puntland iyo Galmudug.

Dagaalkaan ayaa Waxa uu Dhaxeeyaa Beelaha Shiikhaal iyo dir oo Daris ah.

Ad
Previous articleQorshaha UK ee soogalootiga sharci darrada ah oo ay lacago badan kubaxayaan
Next articleShirweynaha Xakameynta faafinta wararka been abuurka oo Muqdisho ka socda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here