Home Wararka Maanta Laba nin oo oo Gaalkacyo ku Afduubtay Wariye Maraykan ah oo kasoo...

Laba nin oo oo Gaalkacyo ku Afduubtay Wariye Maraykan ah oo kasoo Muuqday Maxkamad ku Taal Maraykanka

0

Laba nin oo Soomaali ah ayaa loo heystaa dembi ah inay gacan ku lahaayeen afduub Soomaaliya loogu geystay weriye u dhashay dalka Mareykanka, kaas oo burcad badeed Soomaali ah ay lacag madax furasho ah ka qaateen.

Dacwad oogayaal Mareykan ah ayaa sheegay in labada nin ee Soomaalida ah lagu helay danbi ah inay gacan siiyeen kooxo burcad badeed Soomaali ah oo madax furasho ka qaatay Weriye Mareykan ah oo u afduubnaa muddo laba sano iyo bar ah.

Mid ka mid ah labada nin ee Soomaalida ah ayaa haysta dhalashada Mareykanka, sida lagu shaaciyey warbixin ay ka qortay wakaaladda wararka ee Associated Press

Maxamed Tahliil Maxamed iyo Cabdi Yuusuf Xasan ayaa lagu kala magacaabaa labada nin ee Soomaalida ah ee dembigaan loo heysto, waxayna xeer-beegtida heer federaal ee dowladda Mareykanka bartamihii bishii Febraayo soo bandhigtay cadeymo muujinaya in labada nin ay Weriya shir-qooleen.

Weriyahaas oo lagu magacaabo Maykal ayaa dhalasho ka heysta Mareykanka iyo Jarmalka, waxaana lagu afduubtay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, xilli uu howlo shaqo u yimid Soomaaliya sanadkii 2012-kii.

Inkastoo weriyahaas uu ka shaqeynayey warbaahin laga leeyahay dalka Jarmalka, hadana wuxuu waday cilmi baaris ku saabsan arrimaha burcad badeeda Soomaalida, sidaas ayuuna ku yimid magaalada Gaalkacyo oo laga afduubtay.

Xiligaas afduubayaasha ayaa dalbaday 20 milyan oo dollar, waxayna baahiyeen muuqaalka weriyaha ee hub culus lagu handadayo.

Sanadkii 2014-kii ayaa weriyaha lagu sii daayey lacag madax furasho ah oo qoyskiisa ay bixiyeen, taas oo gaareysay 1.6 milyan oo dollar, wuxuuna dib ula midoobey reerkiisa.

Maxamed Tahliil oo ah mid ka mid ah ragga loo heysto kiiskaas ayaa la sheegay in xiligaas uu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya, balse uu shaqadiisii uga tegay inuu hoggaamiyo kooxdii burcadda aheyd ee heysatay weriyaha.

Cabdi Yuusuf oo ah ninka kale ee kiiskaan loo heysto ayaa la sheegay inuu masuul dhinaca amniga ah ka ahaa Mudug oo ninkaas Weriyaha ah lagu heystay, ayaa qeyb ka noqday dadaallada madax furashada looga raadinayo reerka Weriyaha.

Inkastoo aan si buuxda loo faahfaahin xogta Maxamed Tahliil, hadana waxaa la sheegay in lagu xoray magaalada New York sanadkii 2018-kii, waxaana la sheegay in weriyuhu uu Maxamed u aqoonsaday ninkii hoggaaminayey kooxdii madax furashada ka qaadatay.

Weriyaha oo book ka qoray dhacdooyinkii afduubkiisa ayaa sheegay in mar uu Facebook kala soo xariiray Maxamed Tahliil oo madax u ahaa kooxdii afduubatay, isla markaana uu u sheegay in raggii madax furashada ka qaatay uu midba mid kale dilay, kadib markii ay ku heshii waayeen lacagtii ay madax furashada uga qaateen.

Maxamed Tahliil iyo Cabdi Yuusuf ayaa lagu wadaa in xukun lagu rido 6-da bisha September ee sanadkaan, waxaana loo badinayaa in xukunkaas uu noqa karo cabsi daa’in.

Maxamed Tahliil oo ah mid ka mid ah ragga loo heysto kiiskaas ayaa la sheegay in xiligaas uu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya, balse uu shaqadiisii uga tegay inuu hoggaamiyo kooxdii burcadda aheyd ee heysatay weriyaha.

Cabdi Yuusuf oo ah ninka kale ee kiiskaan loo heysto ayaa la sheegay inuu masuul dhinaca amniga ah ka ahaa Mudug oo ninkaas Weriyaha ah lagu heystay, ayaa qeyb ka noqday dadaallada madax furashada looga raadinayo reerka Weriyaha.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Qaraxyo Goordhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
Next articleSheekh Shariif iyo Ra’isul Wasaarayaal hore oo kahor yimid Mudo Kordhinta ay Damacsantahay Dowlada uu Hogaamiyo Xasan Shiikh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here