Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Shaacisay in Dagaalkii lagu jabiyay Alshabaab ay Ka Qayb...

Dowlada Soomaaliya oo Shaacisay in Dagaalkii lagu jabiyay Alshabaab ay Ka Qayb Qaateen Maraykanka

0

War-Saxaafadeed:

Ku dhowaad 100 xubnood oo ka tirsan khawaarijta oo lagu dilay hawgalladii maanta.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanayaa hawgalka Mareykanka ee caawiya ciidanka Soomaaliya waxa ay hawlgal qorsheysan oo cirka iyo dhulka ah maanta ka fuliyeen degaanada Gal-Libaax iyo Ceel Qurac oo dhaca xadka gobolada Galgaduud iyo Sh/dhexe oo ay isku uruursanayeen Khawaarijtu.

Hawlgalkaasi ayaa waxaa lagu dilay ku dhowaad 100 tirsan Khawaarijta oo ay ku jiraan horjoogayaal, iyadoo isla markaana hawlgalkaa lagu burburiyay goobtii ay dhagarta ku maleegayeen cadowga.

Hawgalka waxaa gacan fiican ka geystay shacabka deegaanka oo wadashaqeyn wanaagsan la yeeshay ciidanka qaranka ee hawlgalka ku jiray.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u mahad celinaysaa hawlgalka Mareykanka ee caawiya ciidanka Qaranka oo gacan ka siisay hawlgalkan lagu burburiyay qowleysatada Khawaarijta ah ee isku uruursanayay dhibaataynta dadka Soomaaliyeed.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa wali wada hawlgal dhinaca dhulka, iyaga oo ku raad jooga firxadka Khawaarijta Naf la caariga ah ee ka cararay dhimbilaha geesiyaasha qaranka.

Hawlgalkaan wuxuu qayb ka yahay hawlgallo joogto ah oo ay ugu dambeeyeen kuwii ka dhacay Budbud iyo Weel-Maarow halkaas oo lagu dilay in ka badan 70 ka tirsan Khawaarijta.

Dawladda oo kaashaneysa shacabka iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go’an in ay ciribtirto kooxaha Khawaarijta ah.

Linkiga qeybta commentiga ka soo daawo meydadka Khawaarijta oo daadsan goobihii dagaalka.

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Dowlada Soomaaliya oo Shaacisay inay Dishay Horjooge Sare Daahir Calasoow kadib Dagaal Faraha Looga Gubtay
Next articleSaraakiil Sarsare oo Ka Tirsan Dowlada oo saakay Maxkamad la Horgaynaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here