Home Wararka Maanta Luul Cabdicasiis oo aan Wali La Duugin iyo Sayid Cali oo Xabsi...

Luul Cabdicasiis oo aan Wali La Duugin iyo Sayid Cali oo Xabsi Gaar ah ku jira

0

Xabsi si gaar ah loo ilaaliyo oo kuyaalla magaalada Muqdisho waxaa muddo ka badan isbuuc ku xiran Sayidcali Macalin Daa’uud, oo ahaa ninkii xaaskiisa oo xaamilo aheyd ku gubay magaalada Muqdisho.

Ninkan oo ciidamada ammaanka kasoo qabteen deegaan katirsan Galmudug ayaa laga soo dejiyay magaalada Muqdisho, waxaana ninkan la wareegay saraakiil katirsan hay’adda Dambi baarista CID-da , kuwaa oo wali baaritaano kuwada.

Meydka marxuumadii uu dilay ee xaaskiisa aheyd Luul Cabdicasiis ayaa wali ku jirta filinjeer, waxa ayna ehelada marxuumada sheegeen in aan marnaba la aasi doonin meydka gabadhooda ilaa caddaaladda la horgeeyo ninkii dilay.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in ehelada wiilka dilka geestay ay wadeen dedaalo ay ku doonayaan in kiiskan dilka si hoose loo galo, si looga baaqsado in Sayidcali la geeyo tiirka lagana fuliyo xadka qisaasta xaaskiisii uu dilay.

Wali lama shaacin wax heshiis iyo is-afgarad ah oo laga gaaray kiiska dilka ah uu xaaskiisa u geestay Sayidcali, waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan ninkan dilaaga ah in maxkamad kasoo muuqdo, si kiiskiisa loo guda galo.

Dad badan oo filayay in ninkan marka la keeno magaalada Muqdisgo horey laga saaro maxkamad ayaa wali layaaban in aan ninkan caddaaladda la horgeyn, waxa ayna qabaan tuhun la xariira in kiiskan la marin habaabinayo.

Dilka guboyga ka dhashay ee Sayidcali u geestay xaaskiisa Luul ayaa carro badan ka abuurtay bulshada Soomaaliyeed dhaxdooda, waxa ayna dadka Soomaaliyeed badankood codsadeen in ninkan caddaaladda la horgeeyo lana marsiiyo ciqaabta dambiga uu galay.

Ad
Previous articleMadaxweynayaasha Maamul Goboleedyada oo Magaca Madaxweyne laga Badalaayo Maxaa loogu Yeeri Doonaa?
Next articleWafdi Kasocda Dowlada Soomaaliya oo gaaray Adisababa Xili Khilaaf Xoogan Wali Ka Dhex jiro Soomaaliya iyo Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here