Home Wararka Maanta Laftagareen oo Soo Gaaray muqdisho iyo Ujeedka Safarkiisa oo La shaaciyay(Sawiro)

Laftagareen oo Soo Gaaray muqdisho iyo Ujeedka Safarkiisa oo La shaaciyay(Sawiro)

0

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa soo Gaaray Magaalada Muqdisho.

Xildhibaano ka tirsan Labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, Siyaasiyiin iyo Qeybaha kala duwan Bulshada ayaa Wafdiga Madaxweynaha kuso dhoweyey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade.

Lama oga illaa hadda ujeedka safarka Laftagareen balse qoraal ka soo baxay madaxtooyada K/Galbeed ayaa lagu sheegay in socdaalkiisu yahay safar shaqo oo aysan fahafaahin.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa inta uusan ka soo ambabixin Baydhabo Gudoomiyey Shirka Gollaha Wasiiradda oo looga hadlay Amniga guud ee Deeganada Koonfur Galbeed.

Ad
Previous articleQoorqoor oo xilal u Magacaabay Mas’uuliyiin cusub
Next articleGabar Shaqaale ahayd oo Si arxan Daran Udishay Cunug 3 bilood jiray oo looga Tagay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here