200-125 300-115 200-105 200-310 640-911 300-075 300-320 300-360 642-998 QV_DEVELOPER_01 400-101 700-501 117-201 70-696 700-505 600-199 400-351 300-207 TE0-141 100-105 300-101 300-206 300-070 70-417 210-260 210-060 200-355 300-208 CISSP 300-135 210-065 300-209 70-243 70-480 CCA-500 2V0-621D 210-451 400-051 E05-001 1Z0-052 70-410 640-916 VMCE_V9 810-403 070-464 070-243 700-802 70-246 FCBA GPHR DEV-401 C2090-610 SY0-401 712-50 ADM-201 700-039 312-50 MA0-101 648-244 SK0-004 ASF 70-494 70-673 500-005 1Z0-060 C9560-503 640-875 N10-006 98-367 70-534 NS0-505 70-342 CHFP 070-410 640-878 1V0-603 1Z0-804 C8010-250 312-50V9 C2150-508 98-368 CLOUDF 70-411 70-461 220-901 70-488 070-341 PK0-003 E20-547 70-412 70-686 500-285 CISM 101-400 102-400 PDM_2002001060 JN0-100 642-883 CAP 070-347 Dalka India Magaalo Ku Taal oo Lacag Siineysa Qofkii Soo Sheega Qof Tuuksanaya.. | Mudug 24 online
radiomudug24 xayisiin mudug24 source

Dalka India Magaalo Ku Taal oo Lacag Siineysa Qofkii Soo Sheega Qof Tuuksanaya..

Masuuliyiinta magaalada Hyderabad ee ku taalla Koonfurta Hindiya ayaa 500 oo rupee oo u dhiganta 7 doolar siinaya muwaadiniinta tusa qof tuugsada, arrintaas oo qayb ka ah qorshaha lagu doonayo in magaalada lagaga sifeeyo dadka tuugsada wixii ka dambeeya 15 Decembar.

Taliyaha booliiska ee magaalada ayaa ku dhawaaqay labo billood oo magaalada laga mamnuucay dadka tuugsada.

Dadka arrintan dhaliishan waxay sheegayaan in arrintan ay keentay booqashada ay magaaladaas ku tagayso Ivanka Trump oo ah gabadh uu dhalay madaxweynaha Maraykanka, laakiin masuuliyiintu way diideen arrintaas.

Toddobaadkii hore ayaa la arkay booliiska magaalada oo qaqabanaya dadka tuugsanaya ee ku sugan goobaha lagu cibaadaysto.

Waxaana la gaynayaa xarun dadka dhaqan celin loogu sameeyo oo ku agtaalla xabsiga dhexe ee magaala Hyderabad.

Ivanka ayaa magaalada Hyderabad u tagaysa shirka caalamiga ah ee halabuurka ganacsiga oo dhacaya 28 iyo 29 Novembar.

Hyderabad ayaa sidan oo kale si ku meelgaar ah u mamnuucday dadka tuugsada sannadkii 2000, markaas oo uu booqday madaxweynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton.

“500 ee rupee ee la bixinayo waxaa shaaciyay waaxda xabsiyada oo qayb ka ah qorshaha magaalada lagaga saarayo dadka tuugsada. Ujeedaduna waa in dadku ay ka qaybqaataan fulinta amarkan” sida uu BBC-da u sheegay M Sampat oo madax ka ah xarrunta dhaqancelinta.

“Waaxda xabsiyada ayaa qorshaynaysa in ay dadka tuugsada tababaraan si ay uga shaqeeyaan kaalimaha shidaalka oo aan dad u shaqeeya u gayno” ayuu intaas ku sii daray.

Maamulka gobolka ayaa sheegay in ay ilaa iyo hadda qabteen 366 ruux oo tuugsada, 128 ruux waxay go’aansadeen in ay sii joogaan xarunta dadka dhaqancelinta loogu sameeyo halka 238 ruuxna ay ogolaadeen in ay guryahooda ku laabtaan, iyaga oo ballanqaaday in aysan tuugsan doonin.

“Waxaan isugu yeernaa in aan nahay magaalo ay dad wanaagsan ku nool yihiin, haddana burcad tuugsanaysa ayaa magaaladeenna ku nool kuwaas oo dumarka carruurta wata ku qashqashaada wadooyinka, dadkana ku buufinaya wax lagu sakhraamo iyagoo tuugsanaya, waxaa sidaas BBC-da u sheegay Dr G Ramaiah, oo ka tirsan hey’ad aan dawli ahayn oo ka shaqaysa in bulshadu ay noqoto kuwo aan lahayn dad tuugsada.

Baddankood markii la soo qabtay waxay sheegeen in aysan dad tuugsada ahayn, sida uu BBC-da u sheegay VK Singh oo ah madaxa xabsiga Telangana.

Saraakiishu waxay sheegeen in hawlgalkan uu horseeday in dad lagu qiyaasay 5,000 oo tuugsan jiray ay magaalada isaga cararaan oo ay aadaan magaalooyin u dhadhaw Hyderabad.

Waxay sheegeen in caqabaddu ay noqon doonto, xaqiijinta in aysan magaalada ku soo noqonin marka ay dhammaato xayiraadda ku eg 7 Janaayo ee 2018ka.

Source Bbc Somali

10 ku laabo mudug24 xiriir

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Dhageyso Shiikh Umal oo ka hadlay iscasilaada Wasiirad Maryam Qaasim isagoo yiri..
- Nov 18, 2017
Wasiiradii Gar gaarka Xukuumada Soomaaliya Maryan Qaasim ayaa dhawaan xilkeeda isaga tagtay, waxaana soo ...
Robert Muganbe oo kasoo muuqday Meel fagaaro ah isagoo wali ku dhagan go.ankiisa..
- Nov 18, 2017
Madaxweynaha wali xilka ka raaraca ee Zimbabwe Robert Mugabe ayaa markii ugu horeysay kasoo ...
Dalka Taliyaaniga Mid kamid ah Faafiyada ugu weyn Dalkaasi oo Geeriyooday..
- Nov 18, 2017
Hoggaamiyihii kooxda Maafiyada Talyaaiga Salvatore ‘Toto’ Riina ayaa ku dhintay isbitalka xabsi ku yaalla ...
Madaxweyne Xaaf iyo Shiikh Shaakir oo ku Wada Sugan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya..
- Nov 18, 2017
Warar laga helayo Magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya ayaa sheegaya in Halkaasi ku suganyihiin ...
Guddigii Loo Xil saaray Kiiska C/kariin Qalibi dhagax oo Biri Baarlamaanka Hortegaya Jawaabana Laga Sugayo
- Nov 18, 2017
Guddigii loo xil saaray kiiska Sarkaalka lagu magacaabo C/kariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax ayaa ...
Hay”ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Ee Dowlada Soomaaliya oo La wareegtay Doonyo Lagu Ilaaliyo Xuduudaha Dalka+Sawiro.
- Nov 17, 2017
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Dowlada Soomaaliya ayaa maanta la wareegtey doon nooca dheereysa ...
Dalka Zimbabwe Robert Muganbe oo Wali Diidan Xilka in uu wareejiyo isagoo ku xiray..
- Nov 17, 2017
Madaxwaynaha muddada dheer ka talinayay Zimbabwe Robert Mugabe ayaa diidan yahay inuu xilka ka ...
Dowlada soomaaliya oo Qabanaysa Shir Wayne ay Ka qayb galayaan Culumaa”udiin.
- Nov 17, 2017
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheneysa shir weyne Qaran oo ay isugu keeneyso Culimada Soomaaliyeed, ...
Dowlada Germalka oo Diyaarada Kuwait ku Raacday go.anka ay ku diiday Qaadista ninka Yahuudiga..
- Nov 17, 2017
Maxkamad ku taaalla Jermalka ayaa go'aamisay in shirkadda diyaaradaha ee Kuwait airline ay xaq ...
Shirkada Diyaaradaha Kuwait oo diiday in ay Qaado nin Yahuuda kasoo jeeda..
- Nov 17, 2017
Shirkadda dayuuradaha Kuwait Airways ayaa diiday inay qaado nin sitay baasaboorka Israel oo ka ...
Sawiro Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Xaaf oo Gaaray Dalka Kenya..
- Nov 17, 2017
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa gaaray Caasimada Dalka kenya ee Nairobi, Xaaf oo ...
Dhageyso Rabshado ka taagan Hargeysa iyo Burco oo dhigayaan Dad Careysan,,
- Nov 17, 2017
Mudaharaadyo rabshado wata ayaa ka dhacay galabta iyo caawa Magaaladda Burco, ka dib markii ...
Dhageyso War kasoo Baxay Ciidamo ingariis ah oo Dagan Duleedka Muqdisho..
- Nov 17, 2017
Ciidamada Ingiriiska ee ku sugan Soomaaliya ayaa soo bandhigay warbxin isugu jirta Muuqaal iyo ...
Faafaahin Madaxda Maamul Goboleedyada oo ku Wajahan Imaaraadka Carabta..
- Nov 17, 2017
Dowladda Imaaraadka oo ka mid ah dowladdaha Carbeed ayaa waqtigaan waxa ay saameyn weyn ...
Dhageyso Gudiga Doorashooyinka Somaliland oo War kasoo saaray Xiisada Taagan iyo Nataajooyinka Hordhaca ah,,
- Nov 17, 2017
Gudiga Doorashoyinka Oo Iminka War Cusub Soo Saarey Shaaciyeyna Gobalada Ila Hada La Dhameeyey ...

Facebook/Twitter

-----------------------------------------------------------------

ad


%d bloggers like this: