Home Wararka ugu Muhiimsan Sawiro:- Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho goor dhow

Sawiro:- Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho goor dhow

0

Waxaa lasoo warinayaa in qaraxan khasaaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray dadkii ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana khasaaraha xoogiisa gaaray dad la socday mooto bajaaj iyo dad kale oo saarnaa gaadiidkii goobta taagnaa ee doonayay in koontaroolka ka gudbaan.

Ciidamada ilaalada Madaxtooyada iyo kuwa booliiska ayaana xiray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada gurmad u fidiyeen qaar kamid ah dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxa.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaan wali shaacin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxan xoogan ee goordhaw dhacay, waxa ayna saraakiisha booliisma sheegeen in khasaaraha warbaahinta loo soo bandhigi doono.

Ad
Previous articleWar deg deg Ah:- Qarax ka dhacay Isgooska Sayidka ee Magaalada Muqdisho
Next articleMaamulada Galmudug iyo Puntland oo soo saaray go’an wadajir ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here