Home Wararka Maanta Nin 53-sanno jir kufsi iyo afduub u geestay Gabar 11 jir ah...

Nin 53-sanno jir kufsi iyo afduub u geestay Gabar 11 jir ah oo Muqdisho lagu qabtay

0

Ciidamada booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka howlgala saldhigga degmada Dharkeenley ayaa gacanta kusoo dhigay nin lagu eedeeyay in kufsi iyo afduub u geestay gabar aad u yar.

War kasoo baxay ciidamada booliiska ayaa lagu sheegay in gacanta kusoo dhigeen eedeysane Yuusuf Daahir Xasan oo 53 jir ah oo loo heesto in uu kufsi iyo afduub u geysatay gabar yar ah oo 11 jir ah 31-Kii Maarso ee sanadkaan 2023.

Booliiska ayaana baadi-goob xooggan ugu jiray ninkan loo heesto kufsiga iyo afduubka oo baxsad ku jiray maalmihii lasoo dhaafay, waxaana ugu dambeyn booliiska ku guuleesteen in ay soo qabtaan ninkan kufsiga ku eedeesan.

Magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca falal argagax leh oo ay geestaan rag manaxayaal ah, waxaana falkan kufsiga iyo afduubka loo geestay aad uga argagaxy ehelada gabadha yar iyo sidoo kale dadkii maqlay dhacdadan.

Ad
Previous articleWeerar lagu Qaaday Taliye Cabdiraxmaan Cali Waqooyi iyo Laba Ilaaladiisa ah oo la dilay
Next articleCiidamada ATMIS oo war cusub kasoo saartay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here