200-125 300-115 200-105 200-310 640-911 300-075 300-320 300-360 642-998 QV_DEVELOPER_01 400-101 700-501 117-201 70-696 700-505 600-199 400-351 300-207 TE0-141 100-105 300-101 300-206 300-070 70-417 210-260 210-060 200-355 300-208 CISSP 300-135 210-065 300-209 70-243 70-480 CCA-500 2V0-621D 210-451 400-051 E05-001 1Z0-052 70-410 640-916 VMCE_V9 810-403 070-464 070-243 700-802 70-246 FCBA GPHR DEV-401 C2090-610 SY0-401 712-50 ADM-201 700-039 312-50 MA0-101 648-244 SK0-004 ASF 70-494 70-673 500-005 1Z0-060 C9560-503 640-875 N10-006 98-367 70-534 NS0-505 70-342 CHFP 070-410 640-878 1V0-603 1Z0-804 C8010-250 312-50V9 C2150-508 98-368 CLOUDF 70-411 70-461 220-901 70-488 070-341 PK0-003 E20-547 70-412 70-686 500-285 CISM 101-400 102-400 PDM_2002001060 JN0-100 642-883 CAP 070-347 Dhaqaale Laga soo aruuriayay Dadka ku nool Kenya iyo Uganda oo Maanta dowlada Lagu Wareejiyay {Sawiro} | Mudug 24 online
radiomudug24 xayisiin mudug24 source

Dhaqaale Laga soo aruuriayay Dadka ku nool Kenya iyo Uganda oo Maanta dowlada Lagu Wareejiyay {Sawiro}

Muqdisho, November 14, 2017– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah culima’udiinka Soomaaliyeed iyo guddigii dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda. Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaayeen xubno ka mid ah Golaha Wasiiradda iyo guddiga gurmad Qaran.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo hoggaaminayey guddigan Culimada ah ee dhaqaalaha ka soo aruuriyay Soomaalida ku nool dalalka Kenya iyo Uganda ayaa sheegay iney ka xun yihiin dhibaatadii ka soo gaartay dadka Soomaaliyeed weerarkii 14-kii Octobar, isla-markaana ay garab taagan yihiin walaalahooda ay kooxaha argagixisadu dhibka u geysteen, lacagtanina ay tahay mid ay iska soo aruuriyeen Soomaalida ku nool Kenya iyo Uganda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa mahadcelin kadib, ku dhiirrigeliyey hoggaamiyayaasha diinta iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay gacan ku siiyaan dawladda halganka iyo dagaalka ay kula jirto kooxda xanbaarsan fikirka xagjirka ah ee Al-shabaab.

“Waxaan idin kaga mahadcelinayaa garab istaagiina, maadaama culimada diinta ay meel sare kaga jiraan bulshada waa in dadaalkooda ay ku biiriyaan halgankan dalka lagaga xoreynayo kooxaha nabad-diidka ah. Waa in aynu u midownaa dagaalkan oo laga wada qaybgalo, waxana muhiim ah in culimadu ay qaataan kaalintooda oo ah mid hoggaamineed” Sidaasi ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre ka sheegay kulanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa balan-qaaday in Xukuumaddiisu ay kaalin mug leh siineyso culimada si loo jebiyo fikirka qalafsan ee kooxda Al-shabab. Kaalinta culimaduna ay noqoneyso mid laf-dhabar u ah talada dalka iyo go’aamada la gaarayo. Wuxuuna ku baaqay in la qabto shir ay culimada Soomaaliyeed uga doodayaan fekerka qaldan ee kooxdan ay ku marin habaabineyso dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Kooxda Al-shabaab waa koox luntay oo baadi ah, kamana turjumaan micnaha, ujeedooyinka iyo sareynta diinta Islaamka, waxay bartilmaameedsanayaan dadka rayidka ah ee waxba galabsan, Dawladda Soomaaliya waxa ay dadaalkeeda ugu badan ku bixinaysaa sidii kooxdaasi looga sifayn lahaa dalka”. Ayuu hadalkiisa raaciyey Ra’iisul Wasaaruhu.

Ugu danbeyn, Guddigii howlaha dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda ayaa ku wareejiyey Guddiga Gurmadka Qaran $350-kun oo laga soo uruuriyey Soomaalida Kenya iyo $53-kun oo laga soo uruuriyey Soomaalida ku nool Uganda, si loo gaarsiiyo dadkii wax yeeladu ay ka soo gaartay qaraxii Zoobe ee bishii la soo dhaafay lagu gumaaday dad aan waxba galabsan.

—DHAMMAAD—-

10 ku laabo mudug24 xiriir

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. c/qani says:

    ISCAAWINTU WAA WAX WANAAGSAN LAAKIINSE (DOWLADA FEDARAALKA IYO MAAMUL GOBOLEEDYADA) WIXII LACAG AH OO GACANTOODA GALLA? WAXAA INTABADAN “KAXOOGGA” CIIDAMADA (XABASHIDA??

    SIDAAS DARTEED (HADAY JIRTO DHAQAALE LOO URUURIYAY? DAD MASAAKIIN AH (IGGA HALA SIIYO? MAXAYTAHAY SABABTO (KHAYRE IYO FARMAAJO LOOGU DHIIBAAYAA?

    TEEDAKALE DHAAWACA IYO DHIMASHADU MADHAMAANAYSO? ILLAA CIIDAMADA SHISHEEYE DALKA LAGA XOREEYO?? KHAASATAN “ITOOBIYA”

    HADIIKALE WAXAY NOQONAYSAA (WEEL DULEELLE) WAXKUSHUB??

    CULIMADU MAXAA DIIDAY IN AY DADKA KALAQAYBQAATAAN?? (70 TOTOBAATAN KUN) OO CIIDAMO KIRSTIYAAN!! AH OO DALKA KUSOO DUULAY IN LAYSKA XOREEYO??

    HALA HUBIYO (LACAGTAAS IN AAN CIIDAMADA ITOOBIYA?? LOO GACANGALIN?
    HOTEELANA LAGU KIRAYSAN?? SHACABKA SOOMAALIYEEDNA LAGU XASUUQIN??

  2. Eerible Faranfar says:

    Yaan lacagtan loo isticmaalin wax aan aheyn ujeeddooyinkii loogu tala galay.




ad

Guddigii Loo Xil saaray Kiiska C/kariin Qalibi dhagax oo Biri Baarlamaanka Hortegaya Jawaabana Laga Sugayo
- Nov 18, 2017
Guddigii loo xil saaray kiiska Sarkaalka lagu magacaabo C/kariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax ayaa ...
Hay”ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Ee Dowlada Soomaaliya oo La wareegtay Doonyo Lagu Ilaaliyo Xuduudaha Dalka+Sawiro.
- Nov 17, 2017
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Dowlada Soomaaliya ayaa maanta la wareegtey doon nooca dheereysa ...
Dalka Zimbabwe Robert Muganbe oo Wali Diidan Xilka in uu wareejiyo isagoo ku xiray..
- Nov 17, 2017
Madaxwaynaha muddada dheer ka talinayay Zimbabwe Robert Mugabe ayaa diidan yahay inuu xilka ka ...
Dowlada soomaaliya oo Qabanaysa Shir Wayne ay Ka qayb galayaan Culumaa”udiin.
- Nov 17, 2017
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheneysa shir weyne Qaran oo ay isugu keeneyso Culimada Soomaaliyeed, ...
Dowlada Germalka oo Diyaarada Kuwait ku Raacday go.anka ay ku diiday Qaadista ninka Yahuudiga..
- Nov 17, 2017
Maxkamad ku taaalla Jermalka ayaa go'aamisay in shirkadda diyaaradaha ee Kuwait airline ay xaq ...
Shirkada Diyaaradaha Kuwait oo diiday in ay Qaado nin Yahuuda kasoo jeeda..
- Nov 17, 2017
Shirkadda dayuuradaha Kuwait Airways ayaa diiday inay qaado nin sitay baasaboorka Israel oo ka ...
Sawiro Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Xaaf oo Gaaray Dalka Kenya..
- Nov 17, 2017
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa gaaray Caasimada Dalka kenya ee Nairobi, Xaaf oo ...
Dhageyso Rabshado ka taagan Hargeysa iyo Burco oo dhigayaan Dad Careysan,,
- Nov 17, 2017
Mudaharaadyo rabshado wata ayaa ka dhacay galabta iyo caawa Magaaladda Burco, ka dib markii ...
Dhageyso War kasoo Baxay Ciidamo ingariis ah oo Dagan Duleedka Muqdisho..
- Nov 17, 2017
Ciidamada Ingiriiska ee ku sugan Soomaaliya ayaa soo bandhigay warbxin isugu jirta Muuqaal iyo ...
Faafaahin Madaxda Maamul Goboleedyada oo ku Wajahan Imaaraadka Carabta..
- Nov 17, 2017
Dowladda Imaaraadka oo ka mid ah dowladdaha Carbeed ayaa waqtigaan waxa ay saameyn weyn ...
Dhageyso Gudiga Doorashooyinka Somaliland oo War kasoo saaray Xiisada Taagan iyo Nataajooyinka Hordhaca ah,,
- Nov 17, 2017
Gudiga Doorashoyinka Oo Iminka War Cusub Soo Saarey Shaaciyeyna Gobalada Ila Hada La Dhameeyey ...
Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdi Casiis oo Loo Badaniyo in Todobaadka Danbe xilka Wareejiyo..
- Nov 17, 2017
Boqorka wadanka Saudi Arabia Boqor Salman ayaa qorsheynaya inuu todobaadka soo socda talada dalkiisa ...
Dhageyso Musharax Cabdi Raxmaan Ciro oo Hargeysa kaga Dhawaaqay Go.an Culus..
- Nov 17, 2017
Musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro oo warbaahinta la Hadley waxaa uu kominshanka doorashooyinka ...
Dhageyso Duqa Gaalkacyo ee Galmudug oo IGAD ku eedeeyay in Xiisad ka abuureyso Gobolka Mudug..
- Nov 16, 2017
Xirsi Yuusuf Bare Duqa Dagmada Galkacyo ee Galmudug oo la hadlay Radio Hobyo ayaa ...
Sawiro Dowlada Shiinaha oo la tilmaamayo in ay Ka danbeesay Afganbigii Dalka Zimbabwe..
- Nov 16, 2017
Hadal-hayn xooggaan ayaa waxaa la isla dhex marayaa Tuhun ku aadan inay Dowladda Shiinaha ...

Facebook/Twitter

-----------------------------------------------------------------

ad


%d bloggers like this: