Home Wararka Maanta Maraykanka Oo War kasoo Saaray Waqtiga Doorashada ee Maantay ku ekaa kana...

Maraykanka Oo War kasoo Saaray Waqtiga Doorashada ee Maantay ku ekaa kana Hadlay Maamulada aan Soo Gabgabayn Doorashada

0

Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa goordhoweyd war kasoo saartay dib u dhaca kale ee ku yimid jadwalka dhameystirka doorashada Golaha Shacabka, kaasi oo ku eeka maanta oo ku taariikheysan 15-ka Maarso.

Safaaradda Mareykanka ayaa ugu horeyntii sheegtay inay garowsan tahay in dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay ku dhameystireen doorashada Golaha Shacabka waqtigii loo igmaday.

Marnaba kama hadlin Safaarada Mareykanka ee fadhigeedu yahay Muqdisho hanaanka cadaalada ka fog ee qaar kamid kuraasta labadaas maamul lagu doortay iyo cabashooyinka ka taagan, kaasi oo ugu dambeeyay kursiga HOP#204 oo maanta guddiga FEIT uu waxba kama jiraan ku tilmaamay natiijada kasoo baxday doorashadiisa oo uu qabtay Guddiga SEIT ee Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxa qoraalka kasoo baxay Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya lagu tilmaamay nasiib darro in Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland iyo Hirshabelle ay seegeen waqti kale oo muhiim ah.

“Waxaa garwaaqsanahay in la dhameystiray (kuraasta) maamul goboleedka Koonfur Galbeed iyo Galmudug. Waxaan u aqoonsannahay Laftagareen iyo Qoor Qoor inay buuxiyeen waqtigii loogu tala-galay ee 15-ka Maarso. Niyad-xumo Madaxweyne Axmed Madoobe, Saciid Deni iyo Guudlaawe waxay seegeen waqti kale oo muhiim ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Safaarada Mareykanka oo lasoo dhigay twitter-ka.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka beesha caalamka ee sida dhow isha ugu haya dhameystirka doorashooyinka Soomaaliya, gaar ahaan midda Golaha Shacabka oo dhowr jeer uu ku yimid dib u dhac.

Doorashada Golaha Shacabka ee dalka ayaa u muuqata mid aan wax badan ka duwaneyn magacaabis, ayada oo meesha laga saaray doorkii ay Beelaha iyo Odayaasha iska leh kuraasta ay ku lahaayeen doorashada kuraastooda, islamarkaana ay si toos ah ugu gacan gashay madaxda maamulada, oo qaarkood uu ku jiro damac siyaasadeed oo federaal.

Ad
Previous articleDeg Deg: Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal oo Waxba kama Jiraan ku Tilmaamay Kursi Maantay La Doortay
Next articleMaraykanka oo Madaxda soomaalida ku edeeyey in Alshabaab aybKordhiyaan Weerada ay ku Haayaan shacabka Soomaaliyeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here