radiomudug24 xayisiin mudug24 source

Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada oo soo saaray go’aan la xiriira diiwaan-gelinta iyo bixinta rukhsadaha {Sawiro}

(Muqdisho, 13 Nofeembar, 2017) Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada ayaa go’aamiyay in dhammaan wasaaradaha xukuumaddu ay faraan shirkadaha iyo hay’adaha is-diiwaangelinaya ama cusbooneysiinaya rukhsadaha ay la yimaadaan caddeyn muujineysa inay leeyihiin sanduuq boosto.

Kulankan oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Md. Mahdi Maxamed Guuleed, waxaa la isku af gartay in wasaaraduhu ay gacan weyn ka geysan karaan sidii loo dardar-gelin lahaa boostada dalka, iyagoo sameynaya tallaabooyin lagu dhiirri-gelinayo isticmaalka boostada.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in guddi gaar ah oo uu madax u yahay Wasiiru-dawlaha uu u xilsaaray sidii ay u dardar-gelin lahaayeen Boostada Dalka, una beddeli lahaayeen qaabka ay hadda u shaqeyso oo caqabado badan ay ka hor yimaadeen.

Wasaaru dawladaha, Mudane C/laahi Bile Nuur, oo soo jeediyay qorshaha Wasaaradda ee dhinaca boostada ayaa sheegay in dhowaan la billaabi doono in boostada dalka loo diri karo dalka dibeddiisa, ka dib markii bishii Luulyo ee sanadkan ay Wasaaraddu la soo saxiixatay Boostada Jabuuti heshiis wada-shaqeyn ah oo dhex maraya Boostada Soomaaliya iyo midda Jabuuti. Sanadkii 2013-kii ayaa la billaabay in la keeno boostada ka imanaysa dibedda, hase yeeshee ma suurtogelin in dibedda loo diro boostada ka baxaysa dalka.

“Ciwaanka kaliya ee Soomaaliya ka jira waa sanduuq boosto, waxaana u baahan shirkadaha, macaamiisha bankiyada, jaamacadaha iyo xafiis kasta. Waxaan dooneynaa inaan isbeddel weyn ka sameyno qaabka ay u shaqeyso Boostadu, waayo waxay astaan u tahay dawladnimada iyo ilbaxnimada, waxayna fududeysaa adeegyada ganacsiga iyo dawladdaba. Haddaba waxaan dadweynaha ku wargelineynaa inay u diyaar garoobaan isbeddelada cusub ee lagu sameyn doono Boostada Qaranka” ayuu hadalkiisii ku soo gagabeeyay wasiir Bile.

DHAMMAAD

………………………

Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha,
Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada

10 ku laabo mudug24 xiriir

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

War Deg Deg Ah Diyaarad UN ka leedahay oo diiday in ay Qaado Madaxweynaha Puntland oo Gaalkacyo ku Sugan..
- Jan 17, 2018
Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta qorshuhu ahaa in uu tago ...
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Goor dhaw Gaaray Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.
- Jan 16, 2018
Madaxweynaha soomaaliya Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Goor dhaw gaaray Magaalada dhuusamareeb. Wafdiga  Madaxweynaha ayaa ...
Sawiro Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo Gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug..
- Jan 16, 2018
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi waare ayaa Goor dhaw Gaaray Xarunta Galmudug ee Dhuusamareeb. Wafdiga ...
Dhageyso Khudbadii Madaxweyne Farmaajo uu ka Jeediyay Cadaado Xafladii Xalay isla markana kula Kaftamay Madaxweyne Xaaf..
- Jan 16, 2018
Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Xalay Khudbad dheer ka jeediyay Xaflad loogu qabtay ...
Sawiro Wafdi Culimaa’udiin Lagu Casuumay Caasimada Dhuusamareeb oo gaaray Halkaas..
- Jan 16, 2018
Hada Ayeeey Soo Gaareen Wafdigii uuu Horkacayay Sheikh Abdirisaaq Aadan Dheere Oo ka Socda ...
Taliyihii Hore ee NISA iyo siyaasiin Xilal Kala duwan Soo Qabtay oo Gaaray Dhuusamareeb (Sawiro)
- Jan 16, 2018
Taliyihii hore ee Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya General Cabdiraxmaan Tuuryare ayaan ka ...
Shirka Siyaasada Qaran ee Maareynta Masiibooyinka oo Muqdisho Ka Furmay (Sawiro)
- Jan 16, 2018
Mas’uuliyiinta Wasaaradda gargaarka iyo maareynta Masuubiiyinka ayaa Muqdisho ka furtay shirka siyaasadda Qaran ee ...
Deg Deg Qarax Ka dhacay Muqdisho.
- Jan 16, 2018
Qarax Miino ayaa Goor dhow ka dhacay Agagaarka Saldhigga degmada Wartanabadda ee Magaalada Muqdisho. Sidda ...
Siyaasiyiin Aragta ahaan kasoo Horjeeda Farmaajo oo ku Sugan Magaalada Dhuusomareeb..
- Jan 16, 2018
Magaalada Dhuusomareeb Waxaa ku sugan Siyaasiyiin aragti ahaan kasoo horjeeda Madaxweyne Farmaajo. Siyaasiyiinta Halkaasi gaaray ...
Sawiro Caasimada Galmudug ee Dhuusomareeb oo isku diyaarisay Soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo..
- Jan 16, 2018
Maanta oo talaado ah ayaa waxaaa degmada Dhuusa Mareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud laga ...
Sawiro Dheeraad Ah Socdaalka Farmaajo ku Maray Deegaanada u dhaxeeya Gaalkacyo ilaa Cadaado..
- Jan 16, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda ...
Caasimada Galmudug oo laga Mamnuucay Calanka Maamul Gobaleedyada
- Jan 16, 2018
Waxaa Magaalada Dhuusamreeb ee Xarunta Galmudug Laga Mamnuucay Calanka Dowlad Gobaleedyada ay Sameesteen, inta ...
Madaxda Maamul Gobaleedyada oo Ku wajahan dhuusamareeb.
- Jan 16, 2018
Waxaa Maanta Magaalada dhuusamaareeb ee Xarunta Dowlad Gobaleedka Galmudug ku wajahan Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada ...
Heshiiska Galmudug iyo Ahlusunna oo Maanta Si Rasmi ah loo dhameystirayo.
- Jan 16, 2018
Waxaa Maanta Si Rasmi ah Loo dhameystirayaa Heshiiska Dhax yaala Ahlusunna iyo Dowlad Gobaleedka ...
Madaxweyne Farmaajo oo Maanta Ku Wajahan Dhuusamareeb.
- Jan 16, 2018
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta Ku wajahan Caasimada Galmudug ee dhuusamareeb. Si weyn ...

Facebook/Twitter

-----------------------------------------------------------------

ad


%d bloggers like this: