Home Wararka Somaliya Puntland Haweeney caan ka aheyd barta Tiktok iyo Ilmo yar oo lagu dilay...

Haweeney caan ka aheyd barta Tiktok iyo Ilmo yar oo lagu dilay Boosaaso

0

Waxaa soo baxaya Haweeney iyo ilmo yar oo xalay saqdii dhexe lagu dilay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari

Marxuumad Raaqiyo Faarax ayaa sida la sheegay xabado ku furay nin cabsan oo soo isticmalay waxyaalaha maanka dooriyaha ah waxaana la geeriyooday wiil yar oo walaalkeed ah.

Raaqiyo waxay caan ka ahayd Baraha Bulshada gaar ahaan aaladda Tiktok oo ay asxaab badan iyo taageerayaalba ku laheyd.

Lama oga sheegin in ninka falka geystay u baxsaday iyo in kale, laamaha amaanka magaalada Boosaaso ayaan sidoo kale ka hadlin dhacdadan naxdinta leh oo saaka laga hadal hayo Boosaaso.

Ad
Previous articleHoobiyeyaal Lagu Garaacay Owdhiigle iyo Khasaaro ka Dhashay
Next articleSarkaal Sare oo Lagu Qarxiyay Magaalada Muqdisho iyo Khasaaro Ka Dhashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here